Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Badda Puntland oo Beeniyey in Askar ka tirasan UU ka danbeeyay Falka Lagu dhaawacay Gabar 15 JIR AH

Recommended Posts

Deeq A.   

BOSASO-[Puntland Post]-Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax Ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar been abuur ah oo Maalmihii Danbe lagu baahinayay Baraha Bulshada oo sheegaya in askari ka Tirsanaa Ciidanka Badda Puntland uu ka danbeeyay Falka Lagu dhaawacay Gabar 15- kadib markii uu askarigaasi Xabad oga Dhuftay Qeybta Taranka ee.

Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa intasi ku daray in ay arintani ay tahya mid foolxun oo lo baahan yahay in baaritana dheer lagu sameeyo si sharciga loo hor keeno Askarigii ka danbeyey falkaasi.

Taliyaha Ciidamada Badda Puntland mar wax laga waydiyey in askarigaasi uu mar soo maray Ciidamada Badda Puntland waxa uu ku jawaabay.
” Qofka Magacaasi wata Waligiis Ciidanka Badda Puntland Kama Mid Noqon, Mana Naqaan Xitaa waligiis Lagama Ruqseyn, Waxaanan filaya waxa Tuhunka soo galiyay inuu Yahay in Dareeska ciidamada oo aad isugu eg ay dadku u qaataan in uu ahaa Askari ka Tirsan Ciidanka Badda Puntland. ” Ayuu Yiri Taliyaha Ciidanka Badda Puntland.

Daawo ” Muuqaalka Talayaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland 

Tacaddiyo kufsi u badan oo haweenka lagula kaco ayaa horay uga dhici jirey guud ahaan Soomaaliya, balse falkan ayaa ah mid naasir ah waxana la filaya in dhowaan sharciga la horkeenno ruuxa geystey fal-denbiyeedka oo laamaha ammaanku sheegen iney ku raad-jooga

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso

The post Ciidamada Badda Puntland oo Beeniyey in Askar ka tirasan UU ka danbeeyay Falka Lagu dhaawacay Gabar 15 JIR AH appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this