Sign in to follow this  
Deeq A.

C/weli Gaas oo xog muhiim ah ka bixiyay duqeyntii lagu qaaday Daacishta Somalia ee Galgala

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo dhawaan lala eegtay maleeshiyaadka Daacishta Somalia ee ku sugan buuraaleyda Galgala ee Puntland.

C/weli Gaas oo faahfaahino dheeraad ah ka bixinaayay weerarka cirka ayaa sheegay inay geysteen diyaaradah Mareykanka waxa uuna cadeeyay in bartilmaameedka uu ahaa Hogaamiyaha Daacishta Somalia C/qaadir Muumin.

Gaas ayaa sheegay Hay’addaha ammaanka maamulka Puntland in ay xaqiijiyeen weerarkan in lala beegsaday Hoggaamiyaha kooxda Daacish C/qaadir Sheekh Cali Muumin, balse uu ka badbaaday.

Waxa uu qiray in weerarka lagu dilay mas’uuliyiin kale dhowr ah oo aysan ka sabri doonin Daacishta Somalia, sidoo kalane ay weerar kale ugu celin doonaan haddii ay sii degnaadan Saldhigyada Galgala.

Waxa uu yiri ”Waxaa jira macluumaad kala duwan oo aan ka heleyno duqeynta iyo mirro dhalkeeda waxaan xaqiijineynaa in Daacish la gaarsiiyay jab culus lagana dilay mas’uuliyiin hogaanka sare u hayay balse Hogaamiyahooda uu badbaaday”

Waxa uu intaa raaciyay”Puntland mowqifkeeda duqeynta Daacish waa mid cad weyna soo dhaweyneysaa jab waliba oo la gaarsiinaayo kooxdaas”

C/wali Gaas, waxa uu tilmaamay in Daacish ay yihiin cadowga Umadda Soomaaliyeed, balse ay ku dadaalayaan sidii ay ku dhabar jabin lahaayen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Hogaamiyaha Puntland ayaa sheegay in laga guuleysan karo Daacish iyo Al-shabaab, hadii shacabka Soomaaliyeed ay hal arragti ka noqdaan dagaalka lagula jiro dhinacyadan, taageerana u fidiyaan Ciidamada xoogga dalka.

Dhinaca kale, maleeshiyaadka Daacish ayaa dhowr jeer sheegtay weerar ka dhacay magaalada Boosaaso oo Puntland ay ka taliso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this