Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee hawlaha guud ee DFS oo ka badbaaday dil uu u maleegay Wasiir ka tirsan M/K/Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Inkastoo magaalooyinka dalka ay ka dhacaan dilal u muuqaal ek kuwo qorsheysan, ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar sheegaya in Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Eng Salax Sheekh Cismaan uu ka badbaaday isku day dil.

Eng Salax Sheekh Cismaan, ayaa sheegay inuu ka badbaaday dilkaasi oo ahaa mid loo qorsheeyay balse uu alle ka badbaadiyay, sida uu hadalka u dhigay.

Eng Salax Sheekh Cismaan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebool ku sheegay in magaalada Baydhabo lagu dili rabay, sida uu sheegay.

Waxaa kamid ahaa qoraalkiisa ”Waxaan Baydhabo u aaday inaan u gurmado shacbiga deegaanka ku ah halkaa, nasiib darro kaalmadii aan ugu tala galay inaan gaarsiiyo shacbiga reer Baydhabo waxaa maanta iga hor istaagay Wasiirka Amniga oo haatan ah ku magaacaban ku-simaha Madaxweynaha K/Galbeed Xasan Eelaay”

”Ninkaasi ayaa ciidamo daacad u ah waxa uu ku amaray inay i khaarijiyaan, Dilkayga ayaa la qorsheeyay in lagu soo beego waqtiga aan qeybinayo kaalmada aan u sido dadka masaakiinta ah, balse waxaa dhagartaas iga badbaadiyay alle”

”Qorshaha waxa uu ahaa in khaarijinteyda loo roggo inay ka danbeyso Alshabaab, balse ma dhicin waxaana ku baxsaday daacadnimadeyda”

Sidoo kale, waxaan haddalkaan weli aan ka jawaabin maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Wasiir Eelaay oo lagu fooraariyay kiiska isku dayga dilka Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo Dib u dhiska Xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, Eng Salax Sheekh Cismaan.

Ma cadda khilaafka gaarka ah ee ka dhexeeya labada mas’uul waxaana jira warar kala duwan oo sheegaya inuu jiro murano horay u dhexeeyay Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this