Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo Sharaxay Qorshaha uu ka leeyahay Saldhigga Millateri ee Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkish_Millatery_Base_in_Somalia.jpg?reMuqdisho (PP) ─ Warbixin lagu soo daabacay Wargeyska Daily Sahab ee kasoo Turkiga, ayaa looga hadlay furitaanka saldhigga cusub ee Turkiga ka hir-geliyay Muqdisho, muhiimadda uu leeyahay iyo Ujeedadiisa.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in saldhiggan loo adeegsanayo akadeemiyad ciidan, iyadoo ay 200-askari oo Turkish ah ay u joogaan sidii ay Ciidamada Somalia u tababari lahaayeen.

Sidoo kale, Wargeyska wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Turkigu walaac ka qabtay Somalia tan iyo dagaalkii 1988-kii ka qarxay Somalia iyo fara-gelintii Maraykanka ee horraantii sagaashameeyadii.

Wargeyska wuxuu fara-gelintii Maraykanka ee Somalia ku tilmaamaya mid uu ku doonayo in kooxaha xagjirka ah ay qabsadaan talada Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu hawlaha badan Afrika.

Qormada wargeyska ayaa lagu xusay in ciidamadii Mareykanka ee Somalia tagay 1992-kii ay ku guuleysan waayeen inay dalkaas ka dhigaan mid degen illaa ay sannadkii 1994-kii ay isaga baxeen Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu kaloo soo hadal-qaaday hawlgalkii ciidan ee Mareykanku ka wado Somalia iyo dib-u-furista safaaraddii Maraykanka ee Somaila 2014-kii, isagoo xusay inay taasi qayb ka tahay taageerada Mareykanka eek a dhanka ah Al-shabaab.

Dhanka kale, Wargeysku wuxuu faahfaahin ka bixiyey qorshaha Turkiga ee Somalia, isagoo xusay inay doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan hawlgal lagu xaqiijinayo amniga iyo inay Turkiga yihiin isbahaysi Maraykan.

Jariidadda Daily Sabah ayaa qoraalkiisa ku muujiyay in Xukuumadda Ankara ay ka caawinayso Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh la-daagaalka Al-shabaab iyo hanashada Amniga guud ee Soomaaiya.

Ugu dambeyn, Wargeyska wuxuu iftiimiyay inay Turkigu ka shaqeynayaan Geeska Afrika, iyagoo kaashanaya Maraykanka iyo isbshaysiga NATO, lagana feejigan yahay damaca Iiraan ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo Sharaxay Qorshaha uu ka leeyahay Saldhigga Millateri ee Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this