Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Ansixiyay Qodob u Ogolaanaya inuu Qayb ka noqdo…

Recommended Posts

Deeq A.   

aqalka_sare-740x438.jpg?resize=824%2C488
Muqdisho (PP) ─
Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka dooday ajande cusub oo lagu soo daray xeer-hoosaadkooda, kaasoo ahaa inay ansixiyaan miisaaniyad-sanadeedka Dowladda Federaalka Somalia.

Kulan xildhibaanada Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen xaruntooda ayaa waxaa ka qayb-galay sodomeeyo senator, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Abshir Bukhaari.

Dood dheer kaddib ayay xildhibaanada isku raaceen in Aqalka Sare uu qayb ka ahaa Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Somalia oo horay ku koobnayd Aqalka Hoose ee Baarlanaanka.

Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ayaa wixii hadda dambeeya waxaa qayb ka noqon doonta Ansixinta Miisaaniyadda, iyadoo miisaaniyada sannadka soo socda ee 2018-ka ay qayb ka noqon doonaan dooddiisa iyo ansixintiisa.

Sidoo kale, Aqalka Sare ayaa qayb ka noqon doona Ansixintii Miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, iyadoo Aqalkan oo ah mid ku cusub saaxada siyaasadda ay howlihiisa ahayd mid iska kooban, balse haatan u muuqda mid hawshiisa ballaarinaya.

Dhanka kale, Dastuurka ayaa qodobo badan awood siinayn Aqalka Sare, sida kalsooni kala noqoshada xukuumadda iyo kalsooni siinteeda, inkastoo ay jiraan sharciyo badan oo la’aantiisa aan wax go’aan ah laga gaari karin.

Ugu dambeyn, Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa ah gole awoodo badan ku leh dalka, marka loo eego Aqalka Sare oo awooddihiisa Dastuuriga ahi ay yihiin kuwo xaddidan, gaar ahaan arrimaha la-xisaabtanka Xukuumadda.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Ansixiyay Qodob u Ogolaanaya inuu Qayb ka noqdo… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this