Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Koonfur oo ku Hanjabay in ay Tilaabo ka qaadayaan Siyaasiin Mooshin ka wada Madaxweyne Shariif Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xili siyaasiin Mooshin ka wada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ay gaareen magaalada Baydhabo islamarkaasina uu cirka isku sii shareeray mooshinka Xildhibaanada koonfur Galbeed ay ka wadaan madaxweyne Shariif Xasan Ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Wasaarada Amniga Maamulkaasi.

Mudane Xasan Xuseen Eelaay oo ah Wasiirka Amniga maamulka koonfur Galbeed oo maanta kulan la qaatay taliyaasha ciidamada Amaanka ee maamulkaasi ayaa sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cid walba oo ka soo horjeedo danaha iyo Siyaasada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in Tilaabo ay ka qaadi doonaan cid walba oo amaanka iyo kicin dadweyne ku hoowlan ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Arintaan ayaa u muuqata in ay tahay tilaabooyin lagaga hor istaagayo mooshin ka dhan ah madaxweyne Shariif Xasan oo ka socdo magaalada Baydhabo.

Hoos ka dhageeyso Wasiirka oo Arimahaasi ka hadlaya.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Cod-Wasiirka-amniga-Koonfur-Galbeed.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Maamulka Koonfur oo ku Hanjabay in ay Tilaabo ka qaadayaan Siyaasiin Mooshin ka wada Madaxweyne Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this