Sign in to follow this  
Deeq A.

Saxaafadda oo looga yeeray madaxtooyada iyo shirkii Muqdisho ka socday oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) Saxaafadda Gudaha ee Magaalada Muqdisho ayaa looga yeeray xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii lagu heshiiyey shirkii u socday dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirka oo muddo 8 Berri ah qaatay ayaa maanta ugu dambeyn la isku afgartay in lasoo saaro warmurtiyeed iyo qodobadii lagu heshiiyey.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga heshiiyey ayaa waxaa kamid ah:

1- Arrimaha Dastuurka

2- Iskaashiga Amniga

3- Dagaalka Alshabaab

4- Qeybsiga kheyraadka

5- iyo Arrimaha siyaasadda

Dhawaan la soco war murtiyeedka shirkaas kasoo baxo oo wax yar kadib soo gaari doono Xafiiska Caasimadda Online ee Magaalada  Muqdisho .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this