Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay xildhibaanada DF ku Matala Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG_6312.jpg?resize=829%2C553Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha maamulka Hirsahebelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Muqdisho xildhibaannada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka Soomaliya.

Kulanka oo casho ahaa ayaa waxaa ku wehlinayay madaxweynaha ku xigeenkiisa, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Cashada kaddib ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dalka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani.

Kunlanka oo ahaa mid waqti badan qaatay Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa aad looga dooday arrimahaasi aan soo sheegay, waxaana ay isku raaceen in muhiim ay tahay in laga wada hadlo islamarkaana laga tashto sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira, si ay u sahlanaato in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya Sharafta iyo heybadda umadda Soomaaliyeed, iyo ciribtirka kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed.

IMG_6271.jpg?resize=821%2C548

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan.

Sidoo kale, Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulanka Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa u balanqaaday in had iyo jeer waqtigooda ugu badan ay galin doonaan sidii ay ugudan lahaayeen Waajibaadka Qaran oo ay u xil saaranyihiin, waxaana sidoo kale ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumrinta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada labada aqal ee ku Abtirsada Hirshabelle.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

IMG_6251.jpg?resize=824%2C550IMG_6258.jpg?resize=824%2C550IMG_6311.jpg?resize=829%2C553IMG_6319.jpg?resize=827%2C552

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hirshabelle oo kulan la qaatay xildhibaanada DF ku Matala Hirshabelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this