Sign in to follow this  
Deeq A.

“Hal booli ahi Nirig xalaal ah ma dhasho”: sidee ku imaadeen Xildhibaanada kasoo horjeedo Dowladda Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa jirey nin geel tuug ahaa oo xirfadiisa tuuganimo ee geella ay ahayd mid aad u sareysay. Farsamooyinkiisa tuuganimo waxaa Ka mid ahaa in uu geella yaraan ku suntado. Maalin ayuu la kulmey geel irmaan ah oo meel kayn ah daaqayo. Hal dhashey oo nirig wadato ayuu nirigtii naas danbeedka midigge feex u yeellay, wixii markaa Ka danbeeyeyna dusha ayuu ka ilaashan jirey.

Dhowr guyood ka dib ayuu geelli oo cabaya nirigtii ul ku dhufsadey. Baadi nimaan lahayn ayey ag joogtaa iyo war u kaadi ayaa la isdhaafsadey. Anaa leh iyo malihid Ka dibna dacwo iyo geed loo balamo ayey noqotey. Wadaad iyo guurti ayaa la wada balanshey. Dood yar Kadibna, geel tuugi ayaa yiri nirigta Ina Darmaan ah calaamad ayey ii leedahay.

Tilmaamo ayey guurtidi ku jawaabtey. Dabadeedna naaski uu feexda ku ogaa ayuu sheegtey. Balse, mulkiilihi oo aan dareen qabin ayaa yiri waxaa si waa waxba kama jiraan. Hala soo eego ayaa xigtey. Calaamadi marki la xaqiijiyeyna waxaa loo xukumey Tuuggii.

Tuugi ayaa mudo Ka dib gaboobey. Waxaa uu la dardaarmey sadex wiil oo uu dhaley. Waxa uu uga sheekeeyey xoolaha uu haysto tabti uu ku tabcay. Wuxuuna ku adkeeyey xaaraan baa xun in aysan cidna Ka dhageysan ee wixii dagan aysan u deymo la aan. Dardaarankii Ka dibna waa uu go-ay (Geeriyooday)

Maydkii oo karfantiisi ku jiro iyo Ratigii oo Kabadiisi saarantahay ayaa looga tagey, qabriga oo Degmada ka yara fogna lagula balamey. Owrkii markii maydkii la saarey ayuu buubey. Wixii ay cayrsadaanba waa ay soo qaban waayeen.

Talo ayaa ragii ku cadaatey, waxayna goosteen in ay xal la yimaadaan. Qabrigii iyo Mayd la’aan isma qabaneysee waala tashadey. Iyada oo la is horfadhiya ayaana la kala showrey.

Sadexdooda mid ayaa bah gooni ahaa. Labadi isku bahda ahayd ayaa isu qabatey oo dhagta dhiiga udartey. Inta ay soo dhaqeen, karfanna dhag ku siiyeen ayey owr kale ku soo hogaansadeen. Qabrigii marki ay yimaadeen maydkiina qilbadda loo jeediyey, ayaa waxaa soo fadhiistey owrkii maydka odeyga wadey oo ay Maantadii hore ka quusteen.

Hadii la feydeyba waa odeygii ay qabriga u qodeen.

Su’aal kadibna waxa ay u sheegeen sida ay wax u jiraan. In ay walaalkood dilleen si ay aabahood ugu ceeb qarshaan.

Ka dibna iyagii ayaa loo showrey. Beeshii waxa ay go’aamisey in la isla duugo. Owrka maydka la buubey ee gadaal ka keenay waxaa uu kasoo jeedaa firkii Ina Darmaan.

Biyo dhaca Sheekadaan waa in wax xaaraan ah aysan laheyn aayo iyo mustaqbal aad u weyn,

Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladda iyo  raadraaca qaabka ay ku imaadeen:

Hal-booli-ah-nigir-xalaal-ah-ma-dasho.pn

Dowladda cusub ee Soomaaliya u dhalatay ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis aad u weyn kala kulmeyso dhawr xildhibaan oo markii horeaba si xaaraan ah ugu soo baxay booskaas oo lamid ah Farkii ina Darmaan.

Halkaan hoose ka akhriso Xildhibaanada kaso horjeedo dowladda Farmaajo iyo sida ay usoo baxeyn, iyo weliba Siyaasiyiin kale oo iyagana falal lagu hayo:

1) Mahad salaad: Xildhibaan Mahad Salaad, wuxuu Xildhibaanimada Soomaaliya ku helay baad iyo musuq maasuq marnaba loogama fadhiyo in natiijo fiican laga helo xildhibaanimada Mahad Salaad, Sababtoo ah Hal booli ahi Nirig xalaal ah ma dhasho.

2) Abshir Bukhaari: Booska Xildhibaanimo ee Abshir Bukhaari wuxuu ahaa booskii ugu musuq maasuqa badnaa, wuxuuna Abshir booskaas ku bixiyey kuna helay lacag gaareyso Hal Malyan oo Dollar, waana sababta keentay inuu Abshir Bukhaari ka ganacsado booskaas.

3) Axmed Macalin Fiqi: Wuxuu booska Xildhibaanimada ku helay Musuq maasuq aad u weyn, isagoo ergo been abuur ah oo loo sameeyey ay doorteen 28 November 2016 weliba xilli aysan meesha joogin dadkii la tartamayey.

4) Xasan Macalin: Isna wuxuu kamid ahaa Xildhibaanada sida musuq maasuqa lagu soo doortay, isna loogama fadhiyo inuu ka shaqeeyo danta Soomaalida, maadaama uu markii horeba lacag ku imaaday ujeedkiisana ay tahay sidii uu lacag ku tabcan lahaa.

5) Saabir Nuur Shuuriye: Xildhibaan Saabir Nuur, wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadii booskooda iibsaday isla markaasna doorashada la keenay ergo lasoo musuq maasuqay, waxaana xusid mudan in dadkii la tartamayey loo sheegtay awood dowladeed iyo mid lacageed!.

6) Cabdiraxmaan Odawa: Waa Aabaha Musuq maasuqii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, gaar ahaan waqtigii la dooranayey Xildhibaanada dowladda hadda ku matalo Maamul Goboleedyada, waxaana si gaar ah in la xuso mudan inuu ahaa ninkii sida musuq maasuqa ah kusoo saaray Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Saabir, Xasan Macalin iyo Xildhibaano badan oo kamid ah kuwa Maamul Goboleedyada, marka nin dad kale musuq maasuq uga dhigay Xildhibaan maahan inaad is waydiiso sababta uu isaga Xildhibaan u noqday, aan kuugu sii daro Hashii ina Odawaa natiijadeeda horeba waa laga tusay sababtoo ah Xildhibaanadi uu isaga lacagta ka dhiibay ayaa Xasan Sheekh meesha ka saaray, waxaana macquul ah in Hasha Ina Odawaa ay la duusho meydkiisa!

Sidoo kale waxaa xildhibaanadaas hormuud u ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qandaraas ka heysto dowldda Imaaraadka Carabta, waxaana isna kaaga filan inuu yahay ninkii iibsaday Badda Soomaaliya!!!.

Caasimada Online
Xafiiska Washington 
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this