Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo ka hadlay qodob caqabad ku noqon doona maamul Goboleedyada ka jira dalka (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Federaalka ay il gaara ku eegeyso Heshiisyada ay kala saxiixdaan maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Kheyre ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga dhabeeyo Heshiis waliba oo dhexmara dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada si aanu u dhicin ka weecasho lagu sameeyo Heshiisyada.

Waxa uu tibaaxay Kheyre inaan loo dulqaadan doonin in laga weecdo heshiis ay dowlada la gasho maamulada waxa uuna carab dhabay in fashilada ugu badan ee heystay dowladihii hore ay qeyb ka tahay ka weecashada Heshiisyada dhacay.

”Waxaan ballanqaadayaa ka dhabeynta Heshiisyada dhaca, ma dhici doonto inaan galno Heshiis aan laga dhabeyn”

”Maamulada loogama aamusi doono Heshiisyada ay la galaan dowlada Dhexe, cidii ka baxdaa Heshiiska waa mid iyada khuseysa oo aan kula xisaabtami doono, waayo waxaa naga go’an sameynta nidaam kala danbeyn leh”

Waxa uu farta ku goday in maamulada ay horay uga baxeen Heshiisyo dhowr ah oo ay la galeen dowladihii ka horeeyay, balse tani ay caqabad ku noqon doonto maamulada, waa haddii ay ka baxaan.

Sidoo kale, Kheyre ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay inay ka hor imaadan haddii ay arkaan talaabooyin wax u dhibikara Qaranimadooda, maadaama ay Somalia ka daashay burbur iyo sharci darro.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili uu jiro kala aragti duwanaanshi u dhexeysa dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka oo heshiis hordhac ah kala saxiixday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this