Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM” Amaanka Dalka Waxaan ku Wareejineeynaa Ciidamada Soomaalida ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in u diyaar garoobayaan sidii Ciidamadda Xoogga dalka Soomaliyeed ay ugu wareejin lahaayeen guud ahaan amaanka dalka.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda Soomaliya iyo Howlgalka AMISOM ayuu ku xaqiijiyay qorshahaas.

“Dib u habeynta ciidamadeena ee saldhigyadooda sida dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Milatariga Ethiopia sameeyeen ee lagu arkay iyagoo ka soo gudbaya xadka Soomaaliya , waxaa uu yahay  u diyaargarowga sidii ciidamada qaranka Soomaaliya loogu wareejin lahaa mas’uuliyada ammaanka dalka Soomaaliya.”ayuu yiri Francisco Caetano Madeira

Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in howlgalada dhawaan ay qaadi doonaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa AMISOM aysan waxba u dhimi doonin xasiloonida iyo Ammaanka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka ayaa ugu baaqay ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed in ay qaataan tababaradda loogu talagalay si ay ula wareegaan guud ahaan amaanka dalka Soomaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaraar tirsigiisu yahay 2372(2017) waxa uu ku baaqay in si tartiib tartiib ah ay ciidamada Midowga Afrika  AMISOM ugu baxaan wadanka Soomaaliya kadib marka tababaro sare loogu qaadayo xirfada ciidamada qaranka Soomaaliya la siiyo.

PUNTLAND POST

The post AMISOM” Amaanka Dalka Waxaan ku Wareejineeynaa Ciidamada Soomaalida ah” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this