Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab oo durbo la gala wareegay deegaano muhiim u ah dowlada Federaalka & Dhaqdhaqaaq weli socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidanka Militeriga Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegay deegaano ku yaala Gobalada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose kadib dhaqdhaqaaq dagaal oo ay halkaa ka bilaaween.

Generaal C/llaahi Cali Caanood oo ah abaanduulaha Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ay Ciidamada Dowladda qabsadeen ilaa 5 Tuulo oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen Isla markaana ay fariisin cusub ka sameestay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay Caanood in ciidamada ay hadda si buuxa u heystaan Basra Daniga Baalow iyo tuulooyin kale oo muhiim ah una dhaxeeya Labada Gobal.

Waxa uu cadeeyay in ciidamada Militeriga ay horay usii dhaqaaqi doonaan isla markaana kuwo kale ay uga tagi doonaan deegaanada ay hadda qabsadeen.

Sidoo kale, Abaanduulaha ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro Shabaab deeganada ay joogaan.

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya oo isku diyaarinaya qaadista hawlgal ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ayaa marka hore doonaya inay xaqiijiyaan wadada isku xirta Shabellaha dhexe iyo Shabellaha hoose inay tahay mid amnigeeda la isku haleyn karo.

Dhinaca kale, abaabulka ugu xoogan ee dowlada Federaalka ayaa ka socda Degmada Afgooye waxaana halkaa ku diyaarsan ciidamo kor u dhaafaya 3,000.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this