Sign in to follow this  
Deeq A.

Shariif Xasan oo shaaciyay cida ka mas’uulka ah Kacdoon Siyaasadeedka ka jira magaalooyinka Baydhabo & Cadaado

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Dhexe ay caqabad ku tahay xasiloonida ka taagan deegaanada hoostaga Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Hogaamiye Shariif, ayaa shirka ka socda magaalada Muqdisho ka sheegay in kacdoonada ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado ay ka danbeyso dowlada Somalia.

Shariif ayaa sheegay in Dowlada Dhexe ay sii iftiimisay khilaafka kala dhexeeya Xildhibaanada maamulkiisa, waxa uuna ka digay in laga shaqeeyo burbur ku imaada maamulkiisa.

Waxa uu shirka ka sheegay inay jiraan cadeymo muujineysa in dowlada Dhexe ay ku lug leedahay xiisad Siyaasadeedka ka taagan Baydhabo iyo Cadaado, sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Xasan waxa uu cod dheer ku sheegay inaanu laheyn adkeysi u suuragalinaaya inuu sii wado shirka inta Xukuumadda arrimahaas faraha kula jirto, waxaana natiijo kasta oo shirka ka soo baxda ay ku xireyn in Xukuumadda ay marka hore soo afjarto xiisadahaas.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Shariif Xasan ayaa la sheegay in dhawaan laga diray magaalada Muqdisho, kuwaa oo iminka kor u dhaafay 90 Xildhibaan, waxa ayna taa qalqal iyo shakiba ku abuurtay Hogaamiye Shariif Xasan iyo Xaaf.

Dhinaca kale, Hogaamiyayaasha ayaa kasiman in marka hore ay Dowlada Dhexe soo afjarto xiisada ka taagan magaalooyinka Baydhabo iyo Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this