Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo iclaamisay dagaal saddex jiho ah iyo abaabul socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Iclaamiyay dagaal ka dhan ah dhinacyada ka soo horjeeda Xasiloonida ka jirta deegaanada maamulka.

Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qaadayaan dhinacyada kala ah Somlailand, Al-shabaab iyo Daacish, oo la sheegay inay caqabad ku yihiin xasiloonida ka jirta Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka bilaaban doono iyadoo iskaashi lala sameynaayo shacabka Puntland, si meel looga soo wada jeesto dhinacyadaasi.

Waxa uu tilmaamay in maamulka Somaliland uu kusoo xadgudbay deegaano dhowr ah oo maamul ahaan hoosyimaada Puntland, isla markaana horay uga bixiyeen digniino culus oo la gaarsiiyay madaxda maamulka balse aanu helin wax jawaab ah.

”Somaliland waxaan kula dagaalami doonaa xadgudubka ay kusoo sameysay deegaanadeena, waxa ay keeneen sanduuqyo cod bixin oo sharci darro ah, maadaama dadka codka laga doonaayo ay yihiin Puntland waan kasoo horjeednaa in ciidamada Somaliland ay nabad ku joogan dhulkaas”

Wasiir Cabdi Cali Xersi ”Qarjab”, waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalka labada Jiho ee kale uu yahay mid ay ku qaadayaan maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacishta Somalia oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Qarjab waxa uu sheegay iyadoo la adeegsanaayo diyaarado dagaal iyo qaab dhulka ah labadaba in la fulin doono dagaalkaan si natiijo looga gaaro.

Ciidamadii qaadi lahaa Dagaalka ayuu sheegay inay yihiin diyaar isla markaana uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah dhinacyadaasi.

Sidoo kale, Daacish iyo Shabaab ayaa Saldhigyo waxa ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland, halkaasi oo ay ka qaadaan weerarada qorsheysan.

Geesta kale, Puntland ayaa horay ugu fashilantay weeraro ay ku qaaday Saldhigyada Shabaab iyo Daacish ee ku yaalla Gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this