Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Mareykanka, NATO iyo saldhigga Turkiga ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

MUqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska DAILY SABAH ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa qoray Warbixin dheer oo uu kaga hadlayo Furitaanka Saldhigga cusub ee Turkiga ka furteen magaalladda Muqdisho, Istaraatijiyadda ay leedahay iyo waxa u sabab ah Dhaleeceynta loo jeedinayo Saldhigaasi.

Wargeyska oo Warbixintiisa Hal-ku-dheg looga dhigay (Waa Maxay Ahmiyadda Saldhigga Milliteri ee Turkiga ku leeyihiin gudaha Somalia”)  waxa hordhac ahaan loogu muujiyey in Saldhigga Milliteriga Turkiga ka furtay caasimadda Somalia ee Muqdisho loo adeegsanayo Akadeemiyad Milliteri, iyadoo  ay 200 Askar Turkish ah u joogaan halkaasi sidii ay u dhisi lahaayeen Ciiddan Somalia oo waxtar leh.

Wargeyska Daily Sabah waxa uu sii qoray inay Turkiga walaac xooggan ka qabtay Somalia tan iyo Dagaalkii 1988 ka qarxay Somalia iyo Faragelintii Maraykanka ee ay Hawlgalka Milliteri ku soo galeen Somalia bilowgii sannadihii 1990-aadkii.

 Wargeyska waxa uu ku sheegay Sababtii Istaraatijiyadda ee ka dambeysay Faragelintii Maraykanka ee Somalia, iyadoo ay Dowladda Maraykanka doonaynin inay Kooxaha Xag-jirka qabsadaan Talada dalka Somalia oo ku taalla mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan ee Diyaaradaha iyo Maraakiibta maraan.

Wargeyska SABAH DAILY waxa kale oo uu qoray inuu Milliteriga Mraaykanka ku guuleysanin inuu Somalia ka dhigo dal Deggan, ilaa ay sannadkii 1994-kii oo laga soo daad-gureeyey gudaha Somalia.

Wargeyska waxa kale oo soo hadal qaaday Hawlgalka ay Milliteriga Mareykanka ka wadaan Somalia iyo Dib-u-furista Safaaradii Maraykanka ee sanadkii 2014-kii laga furay Muqdisho.

Wargeyska waxa uu xusay in Tan iyo xilligaasi inay Maraykanka kala shaqeynayeen Dowladda Somalia La-dagaalanka Alshabaab

Wargeyska waxa kale oo faahfaahin ka bixiyey inay Turkiga doonayaan inay isku tijaabiyaan inay Somalia ka sameeyaan haatan Hawlgal Xaqiijinta inay Turkiga yihiin Isbahaysi Maraykan.

Wargeyska DAILY SABAH waxa uu Qormadiisa si cad ugu muujiyey inay Dowladda Turkiga ka caawin doonto Somalia sidii loo dhisi lahaa Ciiddan Qaran oo awoodi u leh Dagaalka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska waxa uu bidhaamiyey inay Turkiga ka shaqeynayaan Geeska Afrika iyagoo Xiriir buuxa kala leh Maraykanka iyo ibshaysiga NATO, lagana feejigan yahay Damaca  Iiraan iyo Iiraan ee Istaraatijiyadda dalKa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this