Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye ku Xigeenka Gaalkacyo oo Qarax Miino la la beegsaday gaarigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug  ayaa sheegaya in gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug gaarigiisa qarax la la beegsaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa in Gaari nooca raaxada ah ee uu lahaa oo  lagu soo xirayqarax uu ku qarxay bartamaha magaalada Gaal-kacyo.

Gudoomiye Farxaan Cabdi Gaafaa ayaa la xaqiijiyay in uu ka maqnaa oo aanu saarneeyn xiliga gaarigiisa uu qarxayay.

Goobta qaraxa ayaa waxaa gaaray Ciidamo katirsan kuwa Amaanka Puntland kuwaasi oo howlgalo halkaasi ka wada.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post

The post Gudoomiye ku Xigeenka Gaalkacyo oo Qarax Miino la la beegsaday gaarigiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this