Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Xildhibaannada Hawiye ee Labada Aqal uga furmay Muqdisho & magacyada xildhibaano ka baxay (+sababta)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shir ay yeelanayaan Xildhibaanada laba aqal iyo Wasiirada Beesha Hawiye kaasoo looga hadlayo amniga Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa ka furmay Hotelka SYL waxaana  looga hadlayaa xaaladda siyaasadda dalka iyo arrimaha amniga Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay in ka badan 50 xildhibaan oo labada aqal ka mid ha iyo Wasiiro iyadoo ujeedku yahay inaan la siyaasadeyn arrimaha amniga loona adeegsan dano gaara iyo olole shaqsiyeed.

Furitaanka shirka oo ay iska xaadiriyeen wasiirada iyo xildhibaanada labada aqal ee Beesha Hawiye iyo Guddoomiyaha G/banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la soo sheegayaa inay shirka isaga baxeen ilaa 5 xildhibaan oo ka mida kuwa ugu horeeya mucaaradnmada dowladda halka laba kalana laga celiyey inay shirkaan imaadaan.

Magacyada Shakhsiyaadka Shirka ka baxay:

1) Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaq Cumar Maxamed,

2) C/raxmaan Xuseen Odawaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha

3) Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene

4) Xildhibaan Mahad Salaad

5) Wasiirka Dhallinayarada iyo Sportska Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux

Sidoo kale waxaa taleefoonka loogu sheegay inaysan kasoo qeybgalin laba Mas’uul kale oo uu ka mid yahay C/laahi Maxamed Nuur

Maxay Shirka Uga baxeyn?

Inkastoo ay aqbaleen inay shirka tagaan ayaa haddana la sheegay in ka bixitaankooda uu ka danbeeyay markii ay ogaadeen ajendayaasha shirka iyo ka qeybgalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xildhibaannada shirka isaga baxay ayaa waxaa u badan kuwii wasiiiada ka ahaa dowladii Xasan Sheekh ee hadda sida weyn ugu kacsan xukuumadda iyo madaxtooyadda Soomaaliya.

Muhiimada uu shirka u leeyahay Guddoomiye Thaabit

Xildhibaanada aan kor kusoo xusnay ayaa diidan inuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ka qeybgalo kulankaas, waxaana xusid mudan in wax laga hadlayo ay tahay Amniga Muqdisho, waxayna mas’uuliyadda ugu weyn ku dhaceysaa Gudoomiyaha.

Haddii ay xildhibaanada ka baxay shirkaas ujeedkooda ahaa inay ka shaqeeyaan amniga Muqdisho, waxay aheyd inay ogolaadaan inuu Guddoomiyaha shirka ka qeybgalo maadaama uu yahay Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho, waxaana muuqato inay leeyihiin dano gaar ah isla markaasna ay siyaasadeenayaan sugidda Amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wado dadaal dheeri ah oo uu ku doonayo in wax looga qabto amniga Muqdisho, waxayna aheyd inay Xildhibaanada ku caawiyaan Guddoomiyaha shaqadiisa, waxaase muuqato inaysan Xildhibaanadaan shirka ka baxay  rabin wax ka qabashada Amniga Muqdisho.

Shirka masii soconayaa:

Sida aan xogta ku helnay Shirka waxaa ka qeybgalayo ilaa 50 mas’uul oo kasoo jeedo Beesha Hawiye, waxa ka baxayna waa 5 siyaasi oo ah mucaaradka dowladda Soomaaliya, waxaana Shabakadda Caasimadda Online loo xaqiijiyey inuu shirka sii socon doono isla markaasna aan loo istaagi doonin shantaan Mas’uul ee shirka uga baxay dano iyaga u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this