Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sabab yaab leh deegaanadeeda uga mamnuucday Telefeshin Caan ah (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa maanta rusqaddii kala noqotay telefishanka Kalsan Tv oo ka mid ah telefishanadda af soomaaliga ku hadla ee ka hawlgala dhammaan Gobolada dalka, gaar ahaan Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa Telefishankan ku eedeeyay inuu baahiyay warar been abuur ah, isla markaana dhawr jeer oo hore loo digay.

Amarka Kalsan Tv looga mamnuucay deegaanada maamulka ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo ku eedeeyay faafinta warar been abuur ah oo u ka soo qaaday baraha bulshadda.

Nuqul kamid ah qoraalka Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa ”Telefishanka Kalsan tv wuxuu xadgudub ku sameeyey qaranimadda Somaliland, isla markaana baahiyey November 3-deedii/2017 war been abuur ah oo uu ka soo qaatay baraha bulshadda taas oo uu ku sumcad dilayey habsami u socodka ololaha doorashadda”.

Kalsan.jpg?resize=539%2C960

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this