Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari uu lahaa Guddoomiye ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo oo la Qarxiyay & Khasaaro ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka.

Qaraxa ayaa dhacay xili Mas’uulkaasi uusan saarneyn gaariga, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah Ilaaladiisa.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka in ay wadaan baaritaano la xariira Qaraxaasi oo iminkaba loo hayo ilaa laba Ruux.

Dhinaca kale, Burbur xoogan ayaa soo gaaray gaariga waxaana sidoo kale Qaraxa lala damacsanaa Guddoomiye ku-xigeenka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this