Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ammaanka ee ka hawl-gala Waddooyinka Muqdisho oo Isbedel lagu Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada_Xasilinta_Muqdisho_Xamar.jpg?rMuqdisho (PP) ─ Ciidamada Ammaanka dowladda Somalia ee ka Hawl-gala Isgoysyada Xarunta Somalia ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa in isbeddel ballaaran lagu sameeyay, iyadoo sidoo kalena isbedel lagu sameeyay qaabka ay ku hawl-galaan ciidamadan.

Isbeddelkan ayaa laga dareemayaa baaritaanka gaadiidka iyo dadka sidoo kale tirada ciidanka ayaa meelaha qaar lagu sameeyay kordhin goobo aysan ku sugnaan jirin ayaa sidoo kale lagu arkayaa ciidammo cusub.

Sidoo kale, Ciidanka ayaa baaraya gaadiidka shacabka oo aan markii hore la baari jirin, waxaana la weydiinayaa wadayaasha sharciga gaadiidka, midkii aan wadan waxaa loo diidayaa inuu waddada maro.

Haweenka saaran gaadiidka ayaa inta ay baaristu socoto laga furayaa Indha-shareerka ama niqaabka. Dhallinyarada ayaa iyagana baaritaanno ballaaran lagu sameynayaa, iyadoo kuwii laga shakiyana lagala dagayay gaadiidka.

Dhanka kale, Waxaa gabi ahaan laga joojiyay socodka gaadiidka waa-weyn ee maalintii, kuwaasoo cabsi badan ay shacabku ka qaadeen tan iyo markii uu dhacay qaraxii khasaaraha badan geystay ee 14-kii bishii hore ka dhacay Isgoyska Zope.

Ugu dambeyn, Waddooyinka Muqdisho ayaa laga dareemayo Isbeddello aad u ballaaran, waxaana waddooyinkaas ka mid ah Makka Al-Mukarama, KM-4 iyo kuwo kale oo muhiim ah.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Ammaanka ee ka hawl-gala Waddooyinka Muqdisho oo Isbedel lagu Sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this