Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo deegaannadeeda ka Mamnuucday Mid ka mid ah Telefishinnada Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa_Kalsan_TV.jpg?resize=826%2C484Hargeysa (PP) ─ Maamulka iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaanida ee Somaliland, ayaa deegaannada uu maamulo ka mamnuucay in laga daawado mid ka mid ah Telefishinnada Afka Soomaaliga ku hadla.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan Saxara-diid Caddaani ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Deegaannada Somaliland laga mamnuucay in laga daawado Telefishinka Kalsan, iyadoo la xiray xaruntii Telefishinkaan uu ku lahaa Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Wasiir Caddaani ayaa sheegay in Kalsan TV uu warar been ah ka sameeyay dibadbax lagu taageerayay musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi.

Wareegtada ayaa lagu xusay in TV-gani uu dibadbaxa ka dhigay mid looga soo horjeedo Xisbiga Kulmiye iyo musharraxooda Muuse Biixi Cabdi, sidaas darteedna laga mamnuucay guud ahaan deegaannada Somaliland.

Dhanka kale, Suxufiyiinta Somaliland ayaa looga digay inay deegaannada oo dhan warbixinno uga diraan Telefishinkan, iyadoo suxufigii amarkaan kasoo horjeesta laga qaadi doono tallaabo adag sida Wasiirku ku sheegay warka uu soo saaray.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo Maamulka Somailand uu ka mamnuuco deegaannada uu ka taliyo qaar ka mid ah telefishinnada ku hadla Af Soomaaliga, kuwaasoo ay ku eedeeyeen baahinta warar aanay jeclaysan.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo deegaannadeeda ka Mamnuucday Mid ka mid ah Telefishinnada Soomaalida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this