Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku sugan Somalia ugu baaqay inay isaga baxaan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Flag-USA.jpg?resize=836%2C470Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa ku amray muwaadintiisa inay si deg-deg ah uga baxaan Muqdisho, kaddib warbixin digniin ah oo uu soo saaray xafiiska hawl-galka Mareykanka ee Somalia.

Warbixin uu soo saaray hawl-galka Mareykanka ee Somalia ayaa lagu xusay in dhammaan shaqaalaha Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo muwaadiniinta kale inay isaga baxaan Xamar illaa amar dambe.

Sidoo kale, Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in xaaladda nabad-gelyo ee Somalia ay tahay mid aad u halis ah, isla markaana khatar ku ah muwaadiniinta Mareykanka.

Muwaadiniinta u dhashay wadanka Mareykanka ee go’aansaday in Muqdisho ay joogaan ayaa loogu baaqay inay dib u eegaan Amnigooda Shaqsiyadeed, isla markaan ay si gaar ah uga war hayaan warbaahinta, ay feejignaan aad u dheer sameeyaan.

Dhanka kale, Xukuumadda Washington ayaan wax safaarad ah xilligaan ku laheyn Muqdisho, sidaas darteed waxaa muwaadiniinta la siiyay macluumaad ku saabsan haddii xaalad khatar ah ay dareemaan inay la xiriiraan safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

Ugu dambeyn, Warbixintan digniinta ah ee kasoo baxday Mareykanka ayaa ah middii ugu horreysay oo nooceeda ah, waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo Kooxda Al-shabaab ay Toddobaadyadii u dambeysay kordhisay weerarada ay ka geysaneysay Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo Muwaadiniintiisa ku sugan Somalia ugu baaqay inay isaga baxaan Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this