Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO”AGAASIMAHA HAY’ADDA SOCDAALKA PUNTLAND OO BOOQDAY GAROONKA BOOSASO

Recommended Posts

Deeq A.   

BOSASO-[Puntland Post]-Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamed Faarax Qanbi,ayaa maanta Booqday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari,

Agaasimaha ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo shaqaalaha socdaalka ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha Boosaso oo kamid ah garoomada ugu Casrisan ee dalka ku yaala.

Maxamed Faarax Qanbi Agaasimaha Guud ee laanta socdaalka ee Puntland ayaa saraakiisha iyo  shaqaalaha laanta socdaalka kulan kula qaataya garoonka dhexdiisa iyagoona ka wada hadlaya qaaba ay u shaqeeyaan.

Agaasimaha ayaa ku amaanay shaqaalaha socdaalka ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Boosaaso howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada, isagoo kula dar daarmay ilaalinta sharciga iyo amniga dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Puntland ay dadaal ugu jirto sidii loo horumarin lahaa howlaha socdaalka ee garoomada Puntland   iyo sidii loo gayn lahaa qalab casri ah oo ay ku howl galaan.

Dhinaca kale Agaasimaha ayaa Booqday xarunta megerashanka ee dekada Boosaso iyo  sida oo kale xarunta Basaboorada isgoona dhamaana shaqalaha ku amaanay sida wanagsan ee ay shaqadu u socoto.

Daawo” Muuqaalka Kormeerka Agaasimaha Guud ee laanta Socdalka Puntland Ee Garoonka Boosaso

VOA-9.bmp VOA-10.bmpVOA-11.bmpVOA-12.bmpVOA-13.bmpVOA-14.bmp

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST -BOSASO

VOA-15.bmpVOA-16.bmpVOA-17.bmp

The post DAAWO”AGAASIMAHA HAY’ADDA SOCDAALKA PUNTLAND OO BOOQDAY GAROONKA BOOSASO appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this