Sign in to follow this  
Deeq A.

Todobo Qodob oo sabab u ah in lagu fashilmo Amniga Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilooyinkii ugu dambeeyey xoojiyey weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaas lagu micneeyey inay tahay dowladda oo ku fashilmatay inay wax ka qabato amniga Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, waana Magaalada ugu dadka badan marka loo fiiriyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waxaana mar kasta ka dhaco falal amni darada, iyadoo ay Al-Shabaab si sahlan u galaan meelaha ay rabaan isla markaasna ay toogtaan shakhsiyaadka kasoo horjeedo qorshahooda.

Waxaa Culeyska Magaalada kusii badiyey Labadii weerar ee ugu danbeeyay 14 iyo 28 Oktoobar,  waxayna xaaladda ka dhigeen mid quus ah oo dad badan ay gashay cabsi ku saabsan inaysan suuragal ahayn wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho isla markaasna aan Al-Shabaab laga celin Karin fulinta weeraro gaadmo ah iyo dilal qorsheysan.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa halkaan idinkugu soo gudbineyso 7 Qodob oo keenay In lagu fashilmo amniga Muqdisho, Sidoo kalana waxay Shabakadda shaacineysaa waxyaabo tusinayo inaan amniga Muqdisho wax looga qaban Karin xilal la qaado iyo kuwa la magacaabo balse ay jiraan meelo kale oo u baahan in si weyn wax looga qabto.

1) SIrdoonka Dowladda

Sirdoonka Dowladda Soomaaliya waa mid aad u liito oo u baahan in wax badan laga badalo, maadaama hey’adaha Sirdoonka ay ku fashilmeen inay ogaadaan qorshaha Shabaab iyo Meelaha lagu soo diyaariyo Qaraxyada, waxaana midaas kasii daran inaysan sirdoonka dowladda awood buuxda u laheyn inay falcelin deg deg ah ka bixiyaan weerarada.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa isku badalay meel lagu faano iyo Shaati la xirto, waxayna arrintaas keentay inaan la qaban shaqadii laga filayey.

Arrinta ugu weyn ee sirdoonka Soomaaliya dhibaatada ku heyso ayaa ah inay jiraan Shakhsiyaad badan oo ka tirsan isla markaasna la shaqeeyo Ururka Al-Shabaab, waxayna arrintaas fududeysay inaan laga dabatagin xog badan oo laga helay weerarada AL-Shabaab ka hor inta aysan dhicin, waxaana jiro Shakhsiyaad hey’adaas ka tirsan oo ka shaqeeyo inaan la baarin xogaha ku saabsan qaraxyada iyo weerarada.

Shakhsiyaadka Shabaab ugu jiro Sirdoonka Soomaaliya ayaa isugu jiro kuwa lacag la siiyo iyo kuwa kale oo markii hore Shabaab ka tirsanaa balse ku biiray Nabadsugidda si ay Shabaab ugu gudbiyeen xogaha iyo meelaha macquulka ah ee la weerari karo, waxayna kuwaas aaminsan yihiin Caqiidada Shabaab ee rasmiga ah, waxayna ku jiritaanka NISA ka leeyihiin inay ugu adeegaan Kooxdaan.

Ma jirto Shuruud iyo xaqiijin rasmi ah oo ku aadan dadka lagu darayo Hey’adda Sirdoonka Qaranka, midaasna waxay noqotay fashil weyn, iyadoo fududeysay inay Shabaab si fudud ku galaan nabadsugidda ayna ogaadaan xogta rasmiga ah ee dowladda heyso!.

Midda kale oo xusidda mudan ayaa ah in Shakhsiyaadka dowladda uga shaqeeyo Sirdoonka intooda badan aysan aqoon buuxda u laheyn Shaqada looga baahan yahay Sirdoonka, waxayna intooda badan yihiin kuwa magacaas ku shukaansado Gabdhaha!.

 2) Qorshaha Shabaab oo ah mid aan la fahmin

Inta badan Qorshaha weerarada ee Kooxda AL-Shabaab lama fahmo, waxayna xogga saaraan meelo aan laga fileyn sida meelaha ay dadweynaha isugu imaadaan, Hotelada ay dagan yihiin Shacabka iyo dowladda, Goobaha lagu shaaho, waxayna arrintaas ka damacsan yihiin inay weeraradooda noqda kuwa ay ku dhintaan shacab badan isla markaasna ay qabsadaan qodobada ugu horreeyo ee Idaacadaha, Wargeyska Gudaha iyo kuwa debadda.

Al-Shabaab ayaa inta badan fiirsado meelaha ay fududahay in la galo isla markaasna aysan ka jirin dareen ku aadan in lagu soo wajahan yahay, waxayna marka hore sameeyaan baaritaan socdo muddo laba bil ah sida uu dhawaan sheegay Afhayeenkooda Cali Dheere.

3) Nooca Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya, waxaana ku nool Malaayiin qof oo isugu jiro qeybaha kala duwan ee Soomaaliya ka kooban tahay, waxayna noqotay magaaladaan meel aan tiro koob sax ah laga heyn.

Arrintaan ayaa Al-Shabaab u fududeysay inay mar kasta ka fuliyaan weeraro dhibaato badan ka dhalato iyo dilal qorsheysan.

Dowladda Soomaaliya awood way u lahaan weysay inay Muqdisho kusoo geliso gacanteeda isla markaasna ay ka adkaato amniga Magaaladaan ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u baahan in dhiigooda la badbaadiyo.

Sababaha ugu weyn ee dowladda ka hor taagan inay amni ahaan gacanta ugu dhigto Muqdisho ayaa ah Ciidamo badan oo magaalada joogo kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ka amar qaataan, waxayna fududeysay in la kala garan waayo Ciidamada Shabaab ee weerarada qaadayo iyo kuwa dowladda maadaama ay isku dhar wataan isla markaasna aysan jirin aqoonsi kale tirade ciidamada oo aad u badan awgeed.

Sidoo kale waxaa fashilmo dhaqaaq kasta oo lagu damco in amniga Muqdisho wax looga qabto isla markaasna laga saaro ciidamada ku sugan, waxaana fashilkaas ka qeyb qaato hoggaamiyayaal iyo shakhsiyaad aan rabin inay Magaalada dagto.

4) Khalad ka jiro Howgalada ciidamada dowladda ee Muqdisho

Waxaa jiro wax badan oo ka khaldan qaabka howgallada ciidamada dowladda, waxayna inta badan isticmaalaan inay xiraan waddooyinka Muqdisho, inay Gawaarida waydiiyaan ID Card iyo inay Gawaarida dusha sare ka eegtaan.

Ciidamada dowladda baaritaan rasmi ah kama sameeyaan Magaalada Muqdisho, waxayna inta badan xoogg saareen in dhagxaan lagu gooyo jidadka iyo inay Ciidamada fadhiistaan meel cayiman oo Magaalada kamid ah isla markaasna gawaarida aan si dhab ah loo baarin.

Khaladka ugu weyn ee xagga Baaritaanada ayaa ah in qofka darawalka ah la waydiiyo ID Card dowladeed ama mid kale, waxaad arkeysaa Gaari qufulan isla markaasna darawalka gaarigaas lagu sii deynayo ID Card uu wato oo aan la aqoon inuu sax yahay in kale.

Ma waxaa la joogaa wadan iyo Magaalo amnigeeda lagu haleeyo ID Card, xisaabta ku darso waxaa Magaalada Muqdisho ku yaalo Suuqa Cabdalla Shideeye oo laga helayo wax kasta marka laga reebo naf Bini’aadam ah, marka sidee macquul ku tahay inay Ciidamada dowladda gawaarida ku fasaxaan ID Card ay Shabaab awood u leeyihiin inay suuqayada ka sameystaan ama dad ka tirsan u sameeyaan.

Sidoo kale xisaabta ku darso, Ciidamada la geeyey Kontaroolada wax lagu baaro ma heystaan qalabka lagu ogaado waxyaabaha qarxo, waana sababta ugu weyn ee mararka qaar Magaalada usoo galaan gawaarida yar yar ee qarxo.

Si loogu guuleysto wax ka qabashada amniga Muqdisho, waxaa lama huraan ah in Meelaha baaritaanada la geeyo qalab casri ah oo lagu baaro isla markaasna sheegaya in gaariga ay ku rakiban tahay waxyaabaha qarxa iyo haddii kale iyadoo aan la dajin darawalka wado.

5) Farqiga u dhaxeeyo Sirdoonka dowladda iyo kan Shabaab

Ururka AL-Shabaab oo si toos ah ugu xiran Ururka Al-Qaacidda ayaa heysto sirdoon ka fiican kana tayo wanaagsan midka dowladda.

Farqiga u dhaxeeyo Siroodnka Shabaab iyo dowladda  waa  Alshabaab oo sirdoon ahaan ka horeysa nabadsugidda Dowladda, i, iyagoo heysta dhul nabadoon oo ay kasoo abaabulaan qaraxyada kaasoo aan u dheereyn caasimadda, waxayna ku jiraan xaalad aysan wax cabsi ah ka qabin Sirdoonka dowladda Soomaaliya.

Ma jiro sirdoon dhibaato badan ku hayo Al-Shabaab, taas badalkeedana Sirdoonka Shabaab xogta ugu badan dowladda waa ay helaan, waxaana muuqato inaysan soo dhaweyn nabadsugidda dowladda haddii aysan sheekadaan wax badan ka badalin.

Ururka AL-Shabaab ayaa qarash iyo waqti badan ku bixiyo sidii dowladda looga heli lahaa xog badan, waxayna aheyd inay dowladda lacag ka badan ku bixiso sidii loo fashilin lahaa Sirdoonka Shabaab tan dowladdana sare loogu qaadi lahaa.

Sirdoonka dowladda oo lacag ku bixiyo Shakhsiyaad ka tirsan Shabaab si ay xog u keenaan waxaa ugu dambeysay markii uu xilkaas hayey Khaliif Ereg oo la ogaa dhibaatada uu u geystay Kooxda Shabaab, waxaana xusid mudan in waqtigii uu xilka hayey ay Shabaab toogteen shakhsiyaad aad u badan oo iyaga ka tirsan kuwaas oo la shaqeenayey Sirdoonka dowladda, waxayna aheyd tallaabo mudan in lagu amaano Ereg.

Waxyaabaha lagu xasuusto Ereg ayaa waxaa kamid ah inuu ku guuleystay xog badan oo laga helay Shabaab taasoo fududeysay in la duqeeyo madax ka tirsan Shabaab halka kuwa kalana gaadmo loo dilay, waana shaqada ugu weyn ee la doonayo inay qabtaan sirdoonka dowladda.

6) Ciidamo Beeleed ku sugan Muqdisho

Magaalada Muqdisho, waxaa weli ku sugan Ciidamo u abaabulan hab beeleed, kuwaas oo Magaalada ku dhex heysto hub aad u badan, waxayna arrintaas keentay inay fashiliso howgalo badan oo lagu doonayey in lagu sugo amniga Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan u abaabulan hab beeleedyada ayaa qalqal ku hayo amniga Muqdisho, waxaana lama huraan ah in dhammaan ciidamada laga saaro Magaalada Muqdisho isla markaasna lagu soo reebo ciidamo tirsan oo lagala xisaabtamo amniga.

7) Isla Xisaabtan La’aan 

Madaxda ugu sareyso dowladda Farmaajo iyo dowladihii hore marnaba lagama arkin isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan Mas’uuliyiinta Ciidamada kala duwan ee Muqdisho joogo, midaasna waxay fududeysay inaysan wax xil ah iska saarin amniga Muqdisho iyo sidii wax looga badali lahaa.

Illaa amniga Muqdisho lagala xisaabtamo dadka loo dhiibtay marnaba macquul ma noqon doonto in lagu guuleysto Amniga, sababtoo ah mas’uul aan ka cabsaneyn in Berri wax laga waydiin doono Sababta keentay qaraxyada iyo Weerarada Al-Shabaab ma jirto sabab uu amniga ugu bixiyo waqti iyo xoog badan maadaama haddii uu guuleysto aan la abaal marineyn haddii uu guuldareystana lagu ciqaabeen Xabsi, dil iyo Ganaax.

Arrimahan oo dhan waxay keeneen in loo caal waayo soo celinta amniga Muqdisho, iyadoo xilligan lagu jiro xaaladii ugu ba’neyd ee laga doodayo sida ammaanka loo sugi karo oo ay barbar socdaan xil ka qaadis iyo magacaabis.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this