Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaaraadka oo ololo halis ku ah Farmaajo ka wado Muqdisho iyo Liiska Shaqsiyaadka loo soo wakiishay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa olol xoog leh ka bilaawday Magaalada Muqdisho, iyadoo dooneyso inay qalqal geliso jiritaanka dowladda Soomaaliya.

Olololeyaal looga horjeedo hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa  wadaan siyaasiyiin iyo xubno ku xiran dowladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la wareegayo boorsooyin lacag ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dajisay qorsho weyn oo halis keeni doono, waxayna qorshahaas ku hirgelineysaa lacag aad u badan oo loo soo dhiibay Siyaasiyiin iyo Xildhibaano.

Xogta la helayo ayaa sheegaya in ololeyaashan ay kala duwan yihin, waxaana ka mida shirar dhinaca ammaanka looga hadlayo oo diiradda lagu saarayo in lagu cambaareyo dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, lagana sii digo tallaabooyin ay dooneyso inay qaadato, waxaana qeybta labaad ay tahay diyaarinta mooshin xil ka qaadis madaxweyne “Impeachment”.

Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta arrimahan ku howlan ayaa la sheegay inay heleen lacagtii ugu horeysay oo ka timid Imaaraadka, taasoo loo adeegsanayo shirarka iyo ololeyaasha looga horjeedo dowladda Federaalka.

Abaabulka mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo dedejiyay iyadoo laba ka mida madaxweynayaashii hore iyo Ra’iisal wasaarihii ugu danbeeyay ee dalka ay isla garteen qorshe Imaaraadku taageerayo oo ku saabsan in horaanta sanadka 2018 uu dalka yeesho hoggaan cusub.

Xldhibaannada iyo taageerayaasha Madaxweynaha iyo xukuumadda oo ku baraarugay ololeyaashan ayaa dhinacooda bilaabaya abaabullo ayu ku doonayaan inay uga hortagaan qorsheyaashan oo lagu soo beegay xilli loo diyaar garoobayo dagaal weyn oo lagu qaado Alshabaab.

Siyaasiyiinta howshaan loo sood dhiibay ayaa kulamo kala duwan la qaatay qeybaha Warbaahinta Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in lagala shaqeeyo riditaanka dowladda Farmaajo iyagoo warbaahinta miiska u saaray Lacago badan.

Ololahaan xooggiisa ayaa waxaa wado Kooxdii Qabyo ee dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ugu horeeeyaan Odawaa, Faarax Cabdulqaadir iyo Mahad Salaad.

Sidoo kale waxaa ku jiro Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isaga ballan qaaday inuu booska kala bixi doono Madaxweyne Farmaajo, waxaa kaloo ku jiro Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo horey u iibsaday Badda Soomaaliya.

Waxaa jiro is fahandarro ka dhex jirto Shakhsiyaadka ay Imaaraadka soo dirsatay, waxaana qorsho gaar ah wato Cumar Cabdirashiid oo doonayo inuu madaxweynaha booska kala baxo, halka siyaasiyiinta kale ay doonayaan in xilka laga qaado Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhawaan ayaan idinla wadaagi doonaa Liiska Shaqsiyaad loo wakiishay inay Saxaafadda kala macaamilaan Kiiskaas iyo sidii waxrbixino been abuur ah looga sameyn lahaa dowladda Madaxweyne Farmaajo oo muddo 7 bil ah jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this