Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi ka taagan qaar kamid ah Xarumaha dowlada & Amaanka oo aad loo adkeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya cabsi lixaad leh oo laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weeraro ka geystaan magaalada Muqdisho.

Cabsida ugu badan ayaa ka taagan Xarumaha dowlada gaar ahaan Wasaaradaha iyo Goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada.

Xarumaha dowlada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeri ah oo la sheegay inay ka hortagayaan weeraro ka imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab.

Xarumaha qaar ayaa waxaa laga jaray dhinacyada si aysan u isticmaalin gaadiidka iyo Bajaajyada, sababo la xiriira macluumaad ku aadan weeraro ay damacsan yihiin al-Shabaab oo ay heleen Saraakiisha amniga.

Isgooysyada mashquulka badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u hubeysan kuwaa oo la sheegay inay xaqiijinayaan amniga magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wadada Makka Al-Mukarama ayaa ciidamada ugu badan la dhigay maadaama ay ka dhacaan weerarada xoogooda, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay ku yaalan Hoteelada ugu caansan dalka.

Geesta kale, Alshabaab ayaa horay ugu goodisay inay qaadeyso weeraro xoogan, inkastoo aysan sheegin goobaha bartilmaameedka u ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this