Sign in to follow this  
Deeq A.

Halis Cusub: Qadar oo Somalia ku cadaadineysa magacaabida 4 Safiir oo si gaara loo wato (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Qadar ayaa la xaqiijiyay inay wado qorsho ay dowlada Somalia ugu cadaadineyso magacaabida Safiiro khaas ah oo ka tirsan Ikhwaan Muslimiin.

Qadar ayaa dowlada Somalia ku cadaadineysa inay Safiiro Ikhwaan Muslimiin ah u magacawdo dalalka leysku yiraah Khaliijka ee sida aadka ah kaga soo horjeeda siyaasadeeda qunyar socodka ah.

Qorshaha cusub ee Qadar ayaa waxaa baahiyay kanaalka Al-akhbaariya ee laga leeyahay dalka Sacuudiga, oo sheegay in dowlada Qadar ay diyaarineyso sida ay Somalia ugu adeegsan laheyd siyaasadeeda gaarka ah.

Kanaalka ayaa sheegay in dowlada Qadar ay qorshahaasi usoo bandhigtay Madaxda ugu sareysa Somalia, kuwaa oo iminka ku howlan dhaqan galinta magacaabida Safiir Ikhwaan Al-Muslimiin ah.

Kanaalka ayaa sheegay in Qadar ay leedahay qorsho fog oo lagu sii ololinaayo xiisada Khaliijka, maadaama wadamada Sacuudiga, Imaaradka, Baxreeyn iyo Masar ay Ikhwaanka u aqoonsan yihiin Koox argagixiso.

Kanaalka oo xiganaaya Saraakiil ka tirsan boqortooyada, ayaa sheegay in nidaamka Doxa uu doonaayo inuu sara qaado awooda ay Ikhwaanka ku leeyihiin caalamka, iyadoo dib loo soo nooleynaayo kaalintooda ku aadan Siyaasada.

Dowlada Qadar ayaa dagaalka ay kula jirto wadamada Khaliijka u adeegsaneysa dowlado carbeed oo dhowr ah kuwaa oo intooda badan dhaca Africa.

Sidoo kale, Dowladaha Khaliijka ee dhawaan xiriirka u jaray Qadar ayaa dhaqaale xoogan ku bixinaaya sidii looga takalusi lahaa Ikhwaan Muslimiinka oo iyagu lagu eedeeyay inay yihiin argagixiso.

Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaan weli ka hadal warbixinta uu baahiyay Kanaalka ee ku aadan in Qadar ay Somalia ku cadaadineyso inay magacawdo 4 Safiir oo Ikhwaan Muslimiin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this