Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Duqeeyay Kooxda Daacish ee ku Sugan Buuraha Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa laba jeer duqeeyay saldhig  dagaalyahanada Kooxda Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Dowladda Maraykanka ayaa warbaahinnta u xaqiijiyay duqeynta, wuxuuna sheegayin bartimaameedkaasi uu ahaa kooxda Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameesaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 KM u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed Quurshe Ayaa Duqeeyntaasi ka Warbixiyay mar uu la hadlayay idaacada VOA.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaa khasaraha ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen dagaalyahanada Taageersan kooxda Daacish-ta Soomaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka 

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/11/Gudoomiyaha-Qandala-PP.mp3

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo Duqeeyay Kooxda Daacish ee ku Sugan Buuraha Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this