Sign in to follow this  
Deeq A.

Kala carar goordhow ka bilowday mid kamid ah Isgooysyada ugu mashquulka badan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in kala orad uu Saaka ka taagan yahay Isgoyska Xamar Jajab ee Muqdisho, kadib markii halkaa lagu arkay gaari loo maleynaayo in laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo goobta la dhigay.

Dadka ku ganacsada iyo kuwa deegaanka ku ah Isgoyska Xamar Jajab ee Muqdisho, ayaa mar qura ka kala orday Isgooyska waxa ayna ciidamadu ku wargaliyeen in Gaariga oo noociisa uu yahay Caasi ay ka buuxaan walxaha Qarxa.

Ciidamada ayaa xiray gabi ahaan Isgoyska Xamar Jajab waxaana halkaa lagu arkayaa eeyo la sheegay inay ka qeybqaadanayaan baaritaanka Gaariga oo la dhigay Isgooyska.

Isgooyska ayaa waxaa laga mamnuucay in ay maraan dadka iyo Gaadiidka, waxaana halkaa ku sugan keliya Saraakiisha iyo ciidamada ku howlan baaritaanka.

Gaariga Caasiga ah ee la dhigay goobta ayaa waxaa ka muuqda rafaad xoogan, waxaana leysku raacay in goobta uu yaalo ku dhawaad lix saac oo xiriir ah.

Saraakiisha Ammaanka waxa ay xaqiijiyeen in gaarigaasi laga shakiyay, islamarkaana ay baaris ku sameynayaan, maadaama maleeshiyaadka ay maleegayaan Qaraxyo la dhigaa goobaha ay nolol maalmeedka ka raadsanayaan shacabka.

Dhinaca kale, Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa afartii bil ee ugu danbeysay adeegsaneysay gaariga Caasiga ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa kaa oo lala eegto shacabka ku howlan nolol maalmeedkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this