Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Somalia oo maanta ka doodaaya qodob muhiimad gaara leh & Xildhibaanada oo la gaarsiiyay..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia, ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka.

Guddoonka sare ee baarlamaanka ayaa la xaqiijiyay in Xildhibaanada baarlamaanka ay u direen fariimo looga dalbanaayo inay kusoo xaadiraan kulanka maanta oo Sabti ah.

Kulanka Xildhibaanada ayaa ah Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tirakoobka Qaranka, waxaana kulanka xaadiri doona dhammaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in kulanka maanta uu ahmiyad gaara u leeyahay, bacdamaa qodobka maanta uu yahay mid ka dib dhacay xiligiisa.

Geesta kale, Sharciyo dhowr ah oo ka doodis u baahan ayaa weli horyaala baarlamaanka 10aad ee Somalia iyada oo horay ay u ansixiyeen sharciyo dhowr ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this