Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Horjoogaha Daacishta Somalia lagu dilay duqeyntii ka dhacday G/Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday inay ka danbeysay duqeyntii cusleyd ee ka dhacday deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland, kaa oo lala beegsaday Unugyo ka tirsan falaagada Daacishta Somalia.

Wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa xaqiijisay in qasdiga duqeynta ay aheyd in lagu soo afjaro Unugta dhaqdhaqaaqa Daacishta Somalia.

Wasaarada ayaa sheegtay in ay aaminsan tahay in duqeyntaasi ka dhacay gobolka Bari lala beegsaday hoggaamiyaha Kooxda Daacish ee Somalia.

Sarkaal u hadlay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa xaqiijiyay duqeyntaasi inay u badan tahay, in lala bartilmaameesaday hoggaamiyaha Daacishta Somalia Cabdulqaadir Muumim.

Waxa uu Sarkaalka qiray inaan jirin macluumaad dhab ah oo muujinkara in duqeynta lagu dilay Cabdulqaadir Muumim, balse xogo hordhac ah oo ay heleen ay muujineyso in gantaalada lala dhacay Saldhiga ay geysatay waxyeelo buuran oo Saraakiisha ay soo gaartay uu kamid yahay Cabdulqaadir Muumim oo loo badinaayo inuu ku dhintay.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland oo qiyaastii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay.

Waxa ay sheegen in weli uu socdo baaritaan rasmi ah oo lagu xaqiijinaayo khasaraha ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen maleeshiyada taageersan kooxda Daacish.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in dowladda Mareykanka ay jimicii beegsatay Koox ka tirsan Daacish oo Meydad Aasaayay, waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Geesta kale, Sheekh C/qaadir Muumin oo haysta dhalashada dalka Britain, ayaa horey u soo noqday Madaxii Dacwada ee Al Shabaab, iyadoona uu muddo dheer ka tirsanaa Shabaabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this