Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ka cusub ciidamada Ethiopia ee weli ku soo qulqulaya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Ciidamo Ethiopian wata Gaadiid dagaal oo kusoo qulqulaaya Gobolka Gedo.

Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa wata Hub culus iyo gaadiid dagaal oo casri ah, waxa ayna si xooli ah uga soo talaabayan xadka Gobolka Gedo uu la leeyahay Ethiopia.

Ciidamadii ugu horeeyay ee soo gaara Gobolka Gedo ayaa dhamaa ilaa Kun askari, waxaana iminka kusoo biiray ciidamo hor leh oo tiradooda lagu sheegay Kun iyo Shan boqol oo aad u qalabeysan.

Guud ahaan ciidamada hadda soo gaaray Gobolka Gedo ayaa dhan 2,500 oo dhan waliba ka diyaarrsan, waxa ayna Gobolkaasi iyo kuwa ku dhow dhow ka sifeynayaan al-Shabaab.

Sidoo kale, duleedka magaalada Beydhabo ayaa waxaa ku diyaarsan ciidamo tiradooda lagu sheegay 5,000 kuwaa oo garab u noqon doona ciidamada dowlada ee sifeyn doona al-Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose.

Heshiiska dhexmaray Madaxweynaha Somalia iyo Dowlada Ethiopia ayaa ahaa in ciidamada Ethiopia ee ka qeybqaadanaaya dagaalka ay ku ekaadan keliya Gobolada dalka.

Ciidamadan ayaa Gobolada dalka ka sifeyn doona maleeshiyaadka Alshabaab, waxaana xusid mudan inay yihiin kuwo dhawaan uu Madaxweynaha ka dalbaday dowlada Ethiopia.

Ciidamadan ayaa dalka ku sugnaan doona inta ay maleeshiyaadka ku sugan Gobolada dalka, sida uu yahay qorshaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this