Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo si rasmi ah u billowday qorshaha dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa bilowday daad-gureynta saanada Militery ee loogu tallo galay ciidamada la dagaalami doona al-Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose.

Saanadan ayaa la sheegay in leysugu geynaayo Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaa oo looga qaadayo diyaarado maadaama aan dhulka lamarin karin.

Saanadan ayaa la geyn doonaa Saldhig ku yaalla L50 Afgooye halkaa oo noqon doonta goobta laga maamuli doono ciidamada loo diyaariyay sifeynta al-Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose.

Dowlada Somalia ayaa ku dhawaad 15,000 oo ciidamo ah u diyaarisay Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana wehlin doona diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Militeriga Mareykanka, Turkiga iyo Ethiopia.

Diyaaradahan ayaa beegsan doona Saldhigyada Alshabaab iyo Howdka la rumeysan yahay inay ku dhuuntaan Horjoogayaasha, halka ciidamada dowlada ay jiiri doonaan maleeshiyaadka dhulka.

hub1-1.jpg?resize=568%2C320hub2-1.jpg?resize=696%2C392hub3-1.jpg?resize=696%2C392

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this