Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal cabsi oo hareysay hubka cusub ee Turkigu uu siiyey Soomaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Soomaaliya qoryo casri ah.

Qoryaha loogu deeqay Somalia ayaa noociisa lagu sheegay qoriga MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horeysay qoryahan lagu tababari doono Ciidamada Soomaalida ee ku jira Xerada Turkiga ka furtay Muqdisho.

Cadadka qoryaha loogu deeqay Somalia ayaa la sheegay inay yihiin 450 qori oo ah MPT-76, waxa ayna ciidamada Turkiga qoryahaasi u adeegsadaan Keliya la dagaalanka kooxaha xagjiriinta ah.

DFS MA ILAALSAN KARTAA QORYAHA LOOGU DEEQAY?

Hadal heyn badan ayaa ka taagan qaabka ay dowlada Somalia u ilaalsan laheyd qoryaha casriga ah ee loogu deeqay maadaama horay looga furtay Gaadiid iyo Hub noocyo kala duwan leh.

Kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ayaa inta badan ka faa’ideysata Hubka ay wataan ciidamada dowlada ee ku jira Saldhigyada ku yaalla Gobolada, waxaana xusid mudan in horay looga furtay Gaadiid nooca loo yaqaan Cabdi-Bilaha iyo qoryo dhowr ah.

Waxaa jiray in maleeshiyaad la sheegay inay kasoo goosteen al-Shabaab ay ku biireen ciidamada dowlada, hase ahaatee goortii ay heleen fursad ay la goosteen Gaadiid iyo Hub kadibna la aadeen dhanka Alshabaab.

NOOCA QORYAHA CUSUB

Qoryaha cusub ee loogu deeqay dowlada ayaan horay ugu jirin gacanta dowlada iyo al-Shabaab, waxaana xusid mudan in waxbadan ay ka duwan yihiin qoryaha caadiga ah ee hadda la isticmaalo.

Qoryahan ayaa si toosa u gali doona gacanta ciidamo xul ah oo ay tababari doonto Turkiga kuwaa oo tababarada ku qaadan doona Xerada Militery ee Turkida ka furteen duleedka Muqdisho.

MAXAA LA FILANKARAA

Waxaa suuragal ah in ciidamada aan aqoonta duruqsan loo laheyn ay wakhti danbe lasoo baxaan xiriir hoosaad kala dhexeeya maleeshiyaadka Alshabaab, taa oo sababi karta in lala goosto qoryaha cusub ee casriga ah.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa horay u sheegay in unugyo ay ku dhex leeyihiin dowlada, waxa ayna taa shaki galineysaa xadkii lagu aamini lahaa ciidamada.

Geesta kale, dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis iskaashiga dhanka difaaca iyo tababarka Ciidamada, waxaana hubkan uu qeyb ka yahay qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this