Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Mareykanku ka yiri Wararka sheegaya inuu Dhaqaalaha ka Jarayo Ciidamada DF?

Recommended Posts

Deeq A.   

61BDCA43-CD1F-4CE5-9161-FC9CDB429492_w10Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah Warbaahinta Somalia ka hawl-gasha iyo Wargeysyo kasoo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Idaacadda VOA-da oo baahisay Qoraal Jawaab ah oo ay ka heshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu yiri: “Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay u joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn.”

Sidoo kale, Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Xukuumadda Mareykanka waxay mudnaanta siisaa daah-furnaanta iyo la xisaabtanka Somalia, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan,” ayaa mar kale lagu yiri warbixinta.

Ugu dambeyn, Warbixintaan ayaa lagu yiri “Xukuumadda Washington waxay horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.”

PUNTLAND POST

The post Muxuu Mareykanku ka yiri Wararka sheegaya inuu Dhaqaalaha ka Jarayo Ciidamada DF? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this