Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo jawaab ka bixiyey warar sheegayey inuu dhaqaalaha ka jarayo DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beenisay warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo wargeyso ka soo baxa Kenya oo sheegayay in dowladda Mareykanka ay joojineyso taageeraddii dhaqaale ee ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Jawaab qoraal ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay u soo dirtay VOA oo wax ka weydiisay ayaa lagu yiri:

“Wararka sheegaya in dowladda Mareykanka ay u joojineyso dhaqaalihii ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya, taasoo lala xiriiriyay in saraakiil Soomaali ah ay fududeeyeen qaraxyadii Muqdisho – waa kuwo aan sax aheyn”

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadeyso taageerada ay ku bixiso ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada iyo dadaalka ay ugu jiraan la dagaalanka Al-Shabaab.

Qoraalka waxaa lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey mudnaanta siisaa daah furnaanta iyo la xisaabtanka Soomaaliya, taasoo ka turjumeysa mid ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweyne Farmaajo ballan qaaday markii uu xafiiska la wareegayay horaantii sanadkan.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri “dowladda Mareykanka waxey horey dowladda Soomaaliya ugala hadashay shuruudaha ku xiran kaalmada dhinaca ammaanka ee uu Mareykanka bixiyo, waxaana ka mid ah inaan si dhow ula soconno halka lagu bixiyo taageeradeenna.”

Isha: VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this