Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamulada Dalka oo la isku mari la’yahay Qodobo Xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

shirkaas.jpg?resize=832%2C519
Muqdisho (PP) ─
Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegaya in shirka ay ka dhalatay doodo kulul iyo qodobbo weli la isku mari la’yahay, taasoo sababtay in shirku muddadiisu dheeraato, maadaama uu qorshihiisa ahaa in muddo ku siman afar maalmood lagu soo gaba-gabeeyo, wuxuuse hadda marayaa muddo toddobaad ah.

Tan iyo markuu shirku billowday ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo amniga la xiriira, hadana waxaa wali doodo adagi ka taagan yihiin qodobo ay ka mid yihiin; kheyraadka, dib u-eegista-dastuurka iyo kuwo kale.

Sidoo kale, Waxaa jira eedeyn loo jeediyay xukuumadda Federeaalka ah ee Somalia, taasoo ah inay xukuumadda Khayre waddo olole ballaaran dhan ka ah Madaxda Maamullada Galmudug iyo Koofur-galbeed. Waxayna tani qayb ka tahay wayxaabaha muranka badan dhaliyay.

Madaxda Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Koofur-galbeed ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo sheegay in kacdoonada ka socda Baydhabo iyo Cadaado ay ku lug leedahay xukuumadda uu Ra’iisul Wasaare Khayre hoggaaminayo, isla markaana aanay shirka sii wadi karin, inta weli ay socdaan fara-gelinnnada ay xukuumaddu waddo.

Dhanka kale, Qodobbada kale ee dooda adagi ka taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah; Hindise-sharciyeedyada uu ansixiyo baarlamaanka, taasoo horay Madaxweynaha Puntland uu ashtako uga keenay, isla markaana dalbaday in marka hore maamul goboleedyada laga tala geliyo.

Ugu dambeyn, Maanta oo jimco ah ayaa wax shir ah jirin, Waxaana laga yaabaa in caawa madaxda kulammo gaar gaar ah yeeshaan, isla markaana kama dambeys berri oo Sabtid ah ay shirkooda kasoo saaraan qodobbada ay ku heshiiyeen.

PUNTLAND  POST

The post Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamulada Dalka oo la isku mari la’yahay Qodobo Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this