Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu khuseeyay kulankii Muqdisho ku dhexmaray Gaas iyo Xildhibaanada Federaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qaybgalaya kulanka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Federaalka kuwaasoo laga soo doortay Puntland

Kulanka oo ahaa casho sharaf, ayaa waxa uu ka dhacay Royal Palace Hotel, waxaana Hogaamiyaha ku wehelinaayey Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Casho sharaf kadib Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland ayaa kulan gaar ah oo ay wada-yeesheen waxa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin.

1-Isxog waraysi.

2-Isku xidhka iyo wada shaqaynta DFS iyo maamulka Puntland.

3-Qaybsiga khayraadka dalka.

4-Arrimaha Fadaraaliisamka iyo Dastuurka

5-Kawada shaqaynta aminiga, xasiloonida iyo horumarinta Soomaaliya.

Kunlanka oo ahaa kulan wada tashi ah ayaa waxay Hogaamiyaha iyo xildhibaanadu gorfeeyeen dhammaan qodobadan kor-kuxusan, kuwaas oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada hadlo, laga wada tashto si loo dardargeliyo wada shaqaynta DFS iyo maamulada xunaha ka ah DFS, isla markaana meel looga soo wada jeesto wax kasta oo lid ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo sidii dalka looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Hogaamiyaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xildhibaanada uga xogwaramay horumarka, xasiloonida iyo amniga guud ee ka jira dhammaan mandaqadda maamulka Puntland, shacabka ku dhaqan Puntland-na ay yihiin kuwo u heelan ka qayb qaadashada kaabayaasha dhaqaalaha ka socda guud ahaan gobolada Puntland.

Dhinaca kale Xildhibaanda labada aqal ee dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa dhankooda cadeeyey inay diyaar u yihiin sidii ay uga soo bixilahaayeen shaqooyinka loo igmaday ee ay u idman yihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda Soomaaliyeed, ka qayb qaataan sidii qaranka Soomaaliyeed loo gaadhsiin lahaa meel uu mudan yahay.

Ugu danbayn, Hogaamiyaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka DFS u metelaya Puntland inay u diyaar sanaadaan sidii ay qab uga noqon lahaayeen horumarinta dalkooda hooyo iyo ka xoraynta dalkooda cadawga shacabka Soomaaliyeed ee Al-shabaab iyo Daacish kuwaas oo gumaadaya shacabka Soomaaliyeed lidna ku ah nabadda, xasiloonida iyo horumarka qaranka Soomaaliyeed.

11-1.jpg?resize=696%2C46522-1.jpg?resize=696%2C46533-1.jpg?resize=696%2C46544-1.jpg?resize=696%2C46555-1.jpg?resize=696%2C46577.jpg?resize=696%2C391

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this