Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasuuqii Caalamka laga illaawey.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa markii ugu horreysay khamiistii maanta booqatay gobolka Rakhine ee Waqooyiga dalka,tan iyo markii uu bilowday hawlgalka militari ee dowladdu ka fulisay gobolka,kaasoo ay ku baro-baxeen in ka badan lix boqol oo kun oo muslimiinta Rohingya,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka AFP.

Beesha Caalamka ayaa horay u soo jeedisay in Aung San Suu Kyi lagala laabto jaa’isada Nobelka,kadib markii ay ku fashilantay difaaca muslimiinta laga badanyahay ee Rohingya,kuwaasoo ay Qaramada Midoobay sheegtay“in isir sifayn lagu hayo”. Militariga Myanmar ayaa lagu eedeeyay in ay dil,dhac,iyo kufsi baahsan u geysteen qowmiyaddaasi.

Af-hayeenka xukuumadda Myanmar Zaw Htay ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AFP “in Aung Suu Kyi haatan joogto degmada Sittwe ee gobolkaasi,ugana sii gudbayso degaannada Maungdaw,iyo Buthiduang” oo ah halka ugu daran ee dhibaatooyinka laga soo weriyay,waana booqashadii ugu horreysay ee ay ku tegto gobolka Rakhine ee marti-geliyey rabashado ku salaysan isir,taasoo dhaawac weyn u keentay sumcadda dalkaasi.

In ka badan nus malyuun muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangladesh,iyagoo ka cararaya dilka,dhaca iyo kufsiga ay ku hayaan militariga Purma(Myanmar),waxaana la rumaysanyahay in kumanaan kale ay weli ku xayiran yihiin degaanka Maungdaw,iyagoo sugaya laashash ay ugu gudbaan dhinaca dalka Bangladesh,si ay uga baxsadaan khatarta uga imaanaysa militariga Myanmar.

Dadka reer Purma oo u badan qowmiyadda Buddhist ayaa necayb xooggan u qaba muslimiinta Rohingya,waxayna aaminsan yihiin in aysan dalka la’ wadaagin oo asal ahaan ka soo jeedan Bangladesh.

Dhinaca kale Waaxda Arrimaha Debadda Maraykanka ayaa caawo shaacisay in Xog-haye Rex Tillerson uu bishaan booqan doono dalk Myanmar,si u qiimeeyo dhibaatada bani’aadannimo ee ka taagan gobolka Rakhine ee Waqooyiga dalkaasi.

Tillerson ayaa tegaya caasimadda dalka ee Naypyitaw 15 bishaan Nov isagoo la kulmaya mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda,wuxuuna madaxweyne Trump ku wehelin doonaa socdaal uu ku marayo 5 dal oo ku yaalla qaaradda Asia.

Xog-haye Tillerson ayaa ku hor maraya magaalada Tokyo ee caasimadda Japan,halkasoo madaxweyne Trump uu Axadda soo socota kula kulmayo ra’iisulwasaare Shinzo Abe. Sidoo kale wuxuu madaxweyne Trump ku wehelin doonaa shir weynaha dalalka Asia-Pacific ee lagu qaban doon waddanka Vietnam.

 

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

 

 

 

The post Xasuuqii Caalamka laga illaawey. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this