Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ku xigeenka Booliiska Somalia oo si KMG ah u sii wadi doona Hawlaha Booliiska

Recommended Posts

Deeq A.   

boolis-som-tababar-xagjir-2.jpg?resize=8Muqdisho (PP) ─ Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ee Muqdisho, ayaa xilkii taliyeyenimo ee ciidamada Booliska waxaa si KMG ah loogu wareejiyay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay ka amar qaadan doonaan maanta kaddib ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee Booliiska Somalia, Jen. Cabdixakiin Dahir Saciid [Saacid] oo Axaddii lasoo dhaafay ay xilka ka Qaadeen Golaha Wasiirrada, ayaa xilka ku wareejiyay Jen. Mukhtaar oo ahaa taliye ku-xigeenka koowaad ee Booliska.

Jeneraal C/xakiin Saacid ayaa ku amaanay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin hawl-kar ah, isla markaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ku-simaha taliyaha booliisaka Somalia, ahna Taliye ku-xigeenka Booliiska, Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda kasii wadi doono shaqadii booliiska, waxaana uu faray hoggaanada kala duwan ee ciidamada inay shaqadooda sii wataan.

Ugu dambeyn, Waxaa lagu wadaa in dhawaan taliye cusub la magacaabo ciidanka booliiska, waxaana xilka taliyaha booliiska ugu jira loolan saraakiil ciidan oo horay xilal u soo qabtay.

PUNTLAND POST

The post Taliye ku xigeenka Booliiska Somalia oo si KMG ah u sii wadi doona Hawlaha Booliiska appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this