Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka walaacsan in Dhaqaalaha uu siiyo Ciidanka DF loo Gudbiyo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

default-blog-seal.png?resize=822%2C493Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Dibbada Maraykanka ee Afrika, ayaa  ka wal-walsan in dhaqaalaha la siiyo dowladda Soomaaliya inay u gacan-galo Al-shabaab.

Laanta daba-galka Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa muujisay walaacan, iyadoo sarkaal ka tirsan Wasaaradda uu sheegay inaysan sameyn siyaasad iyo qorshe qiimeyn loogu sameeyo  halista ah in dhaqaalaha Dalka Maraykanka uu bixiyo uu gacanta u galo ururka Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacida.

Sidoo kale, Warbixintan ay soo saartay Xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in toddobadii sano ee ugu dambeeyay ay ku taageereen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lacag gaareysa 66-milyan oo Doollar.

Barayaashan ayaa waxay aaminsan yihiin in lacagtaas qayb ka mid ah ay si dadban ku gaartay  Al-shabaab, laakiinse aan la ogeyn habka ay ku baxday lacagtaas.

Dhanka kale, Baarayaashan waxay xuseen inay suuro-gal tahay in ururka Al-shabaab gacanta u gashay qayb ka mid ah dhaqaale loogu talo-galay 6,509 askari oo ka tirsan ciidamada millateriga Somalia.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay inay il-gaarka u yeelan doono gar-gaarka ay siiso dowladda Somalia, maadaama ay ka cabsi qabaan in lacagta ay soo dhiibaan Mareykanka loo gacan-geliyo Al-shaabaab.

Ugu dambeyn, Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa  warbixin ay soo saartay sannadkii 2016-kii ku sheegtay in ciidamada dowladda Somalia ay xad-gudub ku sameeyeen dadka rayidka ah.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo ka walaacsan in Dhaqaalaha uu siiyo Ciidanka DF loo Gudbiyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this