Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo & Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida oo Caawa uu kulan khaasa uga socdo Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa caawa kulan khaas ah la qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada Qalabka sida.

Madaxweynaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada Militariga, Nabad Suggida, Booliska iyo Asluubta, kala hadlaaya duulaan la sheegay in dowlada Federaalka ay ku qaadeyso goobaha ay maleeshiyaadka Alshabaab kaga sugan yihiin dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinacyadaas la falanqeyn doona qaababka ugu haboon ee loo qaadi lahaa duulaanka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa Taliyayaasha iyo Saraakiisha ka aruurin doona feker saliim ah oo suuragalinkara in la qaado duulaanka ka dhanka ah Alshabaab oo iminka maraaya heer gabagabo ah.

Farmaajo ayaa duulaankan ula gol leh ka jawaabida xasuuqyadii is xigxigay ee maleeshiyaadku ka geysteen magaalada Muqdisho iyo in dhulka ay Shabaabka ku sugan yihiin lagu celsho gacanta dowlada.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa bishii October si wada jira u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Alshabaab, kaa oo iminka lasoo afmeeray diyaarintiisa.

Ma cadda waxa kasoo bixi doona kulanka caawa Madaxweyne Farmaajo iyo Saraakiisha ciidamada Qalabka sida uga socda xarunta Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this