Sign in to follow this  
Deeq A.

Sir culus: Muqdisho yaa ku abaabulaya Shirarka lagaga Faaloonayo Amniga?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo abaabulan ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho doodo ku saabsan ammaanka guud ee dalka xilli ay dowladda Soomaaliya ku jirto abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab.

Inta badan doodaha la qabtay ayaa u muuqday kuwo si heer sare ah loosoo agaasimay isla markaasna ay kasoo qayb galeen shakhsiyaad si wayn loo garanayo.

Doodahaas waxaa ka mid ah, dood Subaxnimadii khamiista lagu qabtay Hotel Maka Al-Mukarama taas oo ciwaan looga dhigay “ Qiimaynta Xaaladda Amniga Dalka”.

Caasimada.net ayaa baaritaan ku samaysay madasha soo abaabushay kulanka iyo shakhsiyaadka lagu casumay in ay ka hadlaan Ajandaha.

Ugu horrayn waxa aan booqanay Webseedka http://www.wadatashiforum.org/wadatashi-experts/ kaas oo aan ka ogaanay in Madaxa Maamulka, Qorshaynta iyo Maaliyadda Madasha Wada-tashi ay yihiin dad sita magacyo Ajnabi ah, sida Andrew Lee qof lagu magacaabay oo jagadiisa lagu sheegay Madaxa howlgallada, Laurie Wright oo lagu sheegay Maamule kaaliye, Andy Patson oo la sheegay in uu u qaabilsanyahay jagada ah ENFORCEMENT OFFICER oo macnaheedu yahay Sarkaalka Fulinta Awoodda Sharciga.!

Dhammaan Macluumaadka Shakhsiyaadka lagu xusay webseedka Madasha Wada-tashi ayaan wax xiriir ah lala samayn karin maadama Teleefanka meesha ugu qoran uu yahay mid aan Jirin (Fake ah ).

Waxaa kale oo yaab ah in ciwaanada Emailada lagala soo xiriiraayo shakhsiyadka aan kor ku xusnay ay yihiin hal Email oo isku mid ah  taas oo muujinaysa in ay yihiin dad isqarinaaya isla markaasna laga yaabo in yihiin sirdoon magacyo aan jirin adeegsanaya.

Caasimada.net sidoo kale waxa ay baaritaan ku samaysay dadkii dooda ka soo qayb galay kuwaas oo kale ah C/rixmaan C/shukuur, Xuseen Macalim Maxamuud, C/risaaq Cumar Maxamed iyo C/rishiid Khaliif Xaashi.

Aan ku horrayno C/rixmaan C/shukuur oo horay u soo noqday Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladdi KMG ahayd ayaa horay lagu eedeeyey in uu badda Soomaaliya uu u saxiixay dowladda Kenya waana eed marar badan uu iska fogeeyey, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer tilmaamay in C/rixmaan C/shukuur iyo Raiisul Wasaare Cumar C/rishiid  ay badda Soomaaliya halis galiyeen kadib markii ay u saxiixeen Kenya.

C/rixmaan C/shukuur hadda waxa uu La Taliye Sare u yahay dowladda Imaaraatka Carabta

Shakhsiga labaad ee dooda ka qayb galay ayaa lagu magacaaba Xuseen Macalim Maxamuud waxa uu horay u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay ilaa 3dii bishii 8aad ee sanadkan xiligaas oo la casilay kadib warar soo baxay oo sheegay in uu xogta Amniga dalka uu la wadaagay Hay’ado Sirdoon shisheeye ah.

C/risaaq Cumar Maxamed oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Dowladdi Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta lagu casumay dooda si ay uga tala dhiibtaan amniga dalka.

Wasiirka ayaa lagu xasuustaa inta uu xilka hayey in ay dhaceen qaraxyo lagu qiyaasay 45 qarax oo ay ka mi yihiin kuwo ka dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama oo ah halka ay maanta dood wadaagga ku qabteen. Sidoo kale waxaa ka mid ah Qaraxii waynaa ee Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar carte uu ku dhaawacmi jiray kaas oo ka dhacay Hotel Central Hotel 20kii bisha 2aad ee sanadkii 2015ka markaas oo ay ku nafwaayeen 25 qof oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanno, Guddooomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda, iyo masuliyiin kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this