Sign in to follow this  
Deeq A.

 Shirka Golaha Amniga Qaranka oo hadda ka socdo Villa Soomaaliya iyo qodobo xasaasi ah oo laga soo saarayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya uu hadda ka socdo  Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir guddoominayo kulankaan, waxaana looga hadlayo arrimaha Amniga Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Ku Xigeenkiisa, Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, qaar ka mid ah Wasiirada Heer Federaal iyo Taliyaasha Ciidamada Dowladda.

Shirkan waxaa la isku wareysanayaa xaaladaha amni ee dalka, iyo diyaar garawga dagaalka lagu qaadayo Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo Saxaafadda lala wadaago Nuxurka waxa kasoo baxayo Shirkaas, waxaana idiin ballan qaadeynaa inaan idin soo gudbin doono Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this