Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Salaadiinta Puntland oo Shir taniyo xalay usocday Qodobo kasoo saaray iyo Odoyaasha oo qaadacay shirka (HALKAAN KADAAWO)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kadib markii dekada xarunta ganacsiga Puntland xirneyd muddo asbuuc taasoo sabatey in rabshdo dad ku dhinto ka dhacaan magaalada Boosaaso ayaa wararka warsidahan helayo sheegayaan in heshiis KMG ah laga gaarey xaalada taagan.

Shir ay isugu yimaadeen xubno matalyey Puntland kuwasoo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gobolka Barri iyo ganacsato wakiil ka ah gadiidka badeecadaha sida ee ku xiran duleedka dekada magaalada Boosaaso ayaa habeenkii xaley waxay isla-gaareen heshiis KMG ah oo soconaya muddo 10 cisho ah.

Kulankaan ayaa lagu qabtey xarunta Rugta Ganacsiga dowlada Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa ka koobnaa 4 qodob kuwasoo kala ah.

1- In Dekada lagu soo celiyo habkii ay ku shaqeyneysay heshiiska ka hor

2-In aan wax lacag ah siyaado ah laga qaadi karin doonyaha iyo maraakiibta inta xal laga gaaryo

3- In guddi labada dhinac ah la saaro si xal looga gaaro qodobadii la isku qabtey

4-In laga wada shaqeeyo nabad-galyada magaalada Boosaaso.

Gadiidka dekada dibada kaga xiran ayaa la filayaa insaacadaha soo socda soo xirtaan kuwasoo dajin lagu bilaabi doono.

Wararka kasoo kordha kulamada labada dhinac kala soco warsidaha.

Halkaan ka akhriso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this