Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Recommended Posts

Deeq A.   

Digreeto kasoo Baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas kuna saabsan magcaabid si kumeel gaar ah Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Bursaalax.

Xeer Madaxwayne Lr. 130 October 27 – 2017 , kuna saabsan magcaabid si kumeel Gaar ah Gudoomiyaha iyo kuxigeenka Degmada Bursaalax.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu Tixgeliyay: Aqoontooda iyo Waaya Aragnimadooda shaqo

Wuxuu Xeeriyay :

1.Waxaa Maxamed Sulaymaan Diiriye si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiyaha Degmada Bursaalax.

2.Waxaa Bashiir Maxamed Guuleed si kumeel Gaar ah loogu Magacaabay
Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Bursaalax.

3.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo, wuuna
Saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

The post Madaxweynaha Puntland oo Si Kumeel Gaar Ah Degmada Bursaalax Ugu Magacaabay Guddoomiye Iyo Guddoomiye Ku-xigeen. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this