Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Tirada Qaraxyada bishii October ee 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii October ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii danbe.

Qaraxyada dhacay bishii October ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari waaweyn oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 9 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.

HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA OCTOBER KA DHACAY MUQDISHO:

1-October 2, 2017, Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, kaa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso.

2-October 7, 2017, Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar bambaano ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan saddex askari oo labo ka mid ah dhaawacooda ahaa mid culus.

3-October 7, 2017, Alshabaab ayaa weerar bambaano ku qaaday Saldhiga ciidamada Booliska ee degmada Kaaraan, waxaana weerarka ku dhaawacmay Taliyaha saldhiga.

4-October 9, 2017, Qarax ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Isbitaalka Digfeer degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaa oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda.

5-October 14 2017, Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari Xamuula ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska Soope ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay ugu yaraan 20 qof.

6-October 14, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari Noah ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

7-October 20, 2017, Qarax lagu soo xiray Gaari noociisu yahay Saaruf ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgooyska Banaadir iyo Digfeer, waxaana Qaraxa ka badbaaday ruuxii loogu xiray.

8-October 25, 2017, Qarax lagu diyaarinaayay guri ku yaalla Degmada Kaaraan, gaar ahaan inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhintay Seddex ruux.

9-October 28, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada bisha October ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa aad uga yar Qaraxyadii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this