Sign in to follow this  
Deeq A.

Dekada Boosaso oo saaka lagu wado in dib loo furo

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa saaka dagan ka dib mudaharaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay Magaalada.

Ciidamada kala duwan ee amaanka Boosaso ayaa lagu arkayaa wadooyinka waawen ee magaalada si looga hortago in ay markale mudahardayo ay ka dhacan saaka Boosaso.

Dhinaca kale Guddi ka kala socda dawladda ,Ganacsatada & Shirkadda P & O ee gacanta ku haysa maamulka dekeda magaalada Boosaaso ayaa lahaa wada xaajoodyo gaar ah oo ku saabsan sidii xal looga gaari lahaa xirnaanshaha dekeda Boosaso.

Wararka warbahainta Puntland Post ay helayso waxa ay sheegayaan saacadaha soo socda dib loo furi doono dekada oo mudo ka badan hal isbuuc xirneed.

Masuuliyiin  ka mid ah rugta Ganacsiga & Warshadaha ee Puntland ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post in xalay lagu heshiiyey in sidii hore maanta lagu dajiyo Rarka taagan, ka dibna wada tashi iyo is faham dhameystiran laga gaaro waxyaabaha laga cabanayo.

Masuul sare oo ka tirasan dekada Boosaso oo la hadlay warbahainta Puntland Post waxa uu ii xaqiijiyey in hada kulamo ay  u socdaan masuuliyiinta dawlada iyo ganacsatada waxana la filayaa in saacadaha soo socda ay si wada jir ah ula hadli doonaan bahda  warbaahinta.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso

The post Dekada Boosaso oo saaka lagu wado in dib loo furo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this