Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo markii u horeysay hub Casri ah ugu deeqday Ciidamada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

1037696680.jpg?resize=1000%2C541Muqdisho (PP) ─ Dowladda Turkiga ayaa ugu deeqday dowladda Somalia Qoryo casri ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan MPT-76 oo lagu sameeyo dalka Turkiga, iyadoo markii u horreysay qoryahan lagu tababari doono ciidamada Somalia ee ku jira xerada Turkiga ka hir-geliyay Muqdisho.

Sida ay baahisay Warbaahinta Turkiga 450-qori oo noocoodu yahay MPT-76 ayaa loogu deeqay dowladda Somalia, waxaa qori casri ah oo ay ciidamada Turkiga u adeegsadaan howl galada la xiriira la dagaalanka argagixisada.

Xukuumadaha Somalia iyo Turkiga ayaa dhowaan kala saxiixday heshiis is-kaashi oo dhanka difaaca iyo tababarka ciidamada ah, waxaana hubkan uu qayb ka yahay qalabeynta ciidamada xoogga dalka Somalia.

Sidoo kale, Qoriga MPT-76 ayaa waxaa ku hubeysan ciidamada ilaaliya madaxtooyada Turkiga, waa qori casri ah oo ay xilligan xiisaynayaan inay iibsadaan dalal ay ka mid tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiga.

Dhanka kale, Qorigan ayaa culeyskiisu yahay 4.1KG, waxaa uu wax ka dili karaa masaafo dhan 600-mitir, wuxuuna dhirirkiisu yahay 9-mm, Waxaana halkii daqiiqo ka dhaca 650-xabo.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga ay hub ugu deeqdo Dowladda Somalia tan iyo markii uu dib u xoogeystay xiriirka labada waddan dhammaadkii sannadkii 2011-kii oo ay Soomaaliya ku dhufatay abaartii ugu xumayd abid.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo markii u horeysay hub Casri ah ugu deeqday Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this