Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiro xildhibaanno ah oo Baydhabo ku saxiixay Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan

Recommended Posts

Deeq A.   

shariif_koonfur_galbeed-740x400.jpg?resi
Baydhabo (PP) ─
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegaya in illaa 50 mudane ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaannada Mooshinka keenay ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in xilligan xildhibaanada iyo madaxweynaha Koofur-galbeed aanay wada-shaqeyn ka dhaxeyn, isla markaana xilkii loo igmaday uu gudan waayay.

Sidoo kale, Xildhibaannada Koofur-galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku kala qaybsanaa mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, waxaana tani ay ka dhigan tahay in xildhibaannadii mooshinka saxiixay inay gaareen hadafkooda koowaad.

Degmada Baydhabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socoday Dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana la sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay magaalada Baydhabo u joogaan arrimo la xiriira ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, Lama oga xaalada siyaasadeed ee ka jirta Koofur-galbeed, halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Shariifka xilligan la sheegay inay xaalada ku xun tahay, maadaama uu wajahayo mucaarado xooggan.

PUNTLAND POST

The post Tiro xildhibaanno ah oo Baydhabo ku saxiixay Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this